Wasiirka Qorshaynta oo Ammaanay Kaalinta Horumarka Togdheer uu ku Leeyahay Xildhibaan Bidhi

0
887

Burco, (HargeisaPress) —Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyatire), oo haatan ah Wasiirka  Qorshaynta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Burco, ayaa ku sifeeyay waslad dahab ah, waxaanu majeertay waxqabadkiisa.

Badhaasbkii hore waxa uu sidaas ka sheegay xaflad  reer Burco habeen saddexaadkii ku sii sagootinayeen, waxaanu hadal uu ka jeediyay xafladaas ugu mahad celiyay Golaha deegaanka, laamaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ee la shaqeeyay muddadii uu xilka maamulka Togdheer ku magacownaa.

“Qofku inta uu nool yahay ayaa wixii la odhanayo la yidhaahdaa,  waxaan halkan sheegayaa Xildhibaan ka mudan Xildhibaannada Golaha deegaanka Burco waa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, waliba  waa waslad dahab ah oo Burco dhex taalla. Waxaan idin leeyahay si gaar ah u ogaada Xildhibaanka,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta oo ahaa Badhasaabkii hore eeTogdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here