Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan Ma Xildhibaan Golaha DeegaankaTogdheer ahbaa Mise Waa Odaydhaqameed Beesha uu ka soo Jeedo Ushaqeeya .

0
856

Su’aashan waxaan jecelahay in ay iiga jawaabto xukuumada u magacaabatay in uu wasiirka hawlaha guud uu noqdo waayo waxaa ayaandaro wayn ah in uu gobolkii togdheer  xildhibaanadoodii golaha deegaanka ee ay umadu dooratay uu fara geliyo maamulkoodii iyo nadaamkoodii shaqo ahaan isagoo aanay u fasaxaynin awoodaha shaqo ee ay u fasaxayso dawlada uu Ahmed siilaanyo ee uu wasiirka ka yahay .taasina waa mid kasoo hor jeeda nidaamka shaqo ee dalkeenu kushaqeeyo.

 

Hadaba ma kula tahay wasiir cali mareex oo ku sifoobay in uu yahay nin isagoo shaadhka dawlada xidhan ka ganacsada in uu mashaariicda dawlada uu qaato ayaa isagoo danihiisa ganacsi wada uu taageero wayn iyo laaluushba uu ku bixiyay in aanay xildhibaanada golaha deegaanka burco iska bedelin maayir Muraad oo ay isku reer yihiin golaha deegaankana uu khilaaf uu dhex dhigo isagoo adeegsanaya shaadhka wasiir nimo ee uu xidhan yahay iyo hantida qaranka ee uu hayo.

 

Hadaba anigoo ku hadlaya afka aqoonyahanka ama dhalinyarada gobolka togdheer waxaan uga digayaa ficilada anshax xumada ah ee uu ku dhaqmayo cali mareexaan in uu joojiyo ficiladaasna maaha ficilada ay ku kacaan masuul qaran ama nin wayn oo siyaasi ah .waana waxaan sharciyan iyo diiniyanba fiicneen

 

Waxaan talo ku siinayaa cali mareexaan oo ah wiil siyaasada iyo mansabkan uu gaadhay mid uu ku cusub yahay oo ay ugu horaysay xilkii xildhibaanimada golaha parliament ka ee uu noqtay oo aanu lahayn wax aqoon iyo waayo aragnimo hore oo siyaasadeed markaa waxaan kugula talinayaa in aanad degdegin oo aad wax ka baratid siyaasiyiintii rug cadaaga ahaa ee aqoonta iyo cilmiga lahaa ee wadankan soo maray .

 

Wabilaaahi Towfiiq

 

Eng. Mukhtar Hussein Budhle  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here