Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Jabuuti Oo Booqasho Ku Timid Somaliland

0
594

Hargaysa (HP): Wefti ay hogaaminaysay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti Muumina Xaamud, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Weftigan ka socday Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha Hargaysa ku soo dhaweeyay wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland, wasiirka gaashaandhiga Somaliland, wasiir ku-xigeenadda qorshaynta iyo xanaanadda xoolaha.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta weftiga Jabuuti ka qayb qaatay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta Somaliland iyo dadweyne kaloo badan.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here