Ganacsato Maanta Lagu Xidhay Magaalada Wajaale

0
1879

Tog Wajaale (Hargeisa Press)- Ciidamadda booliska magaalada Wajaale ayaa maanta waxaa ay xabsiga u taxaabeen ilaa 19 xubnood oo isugu jira Ganacsato iyo dad kale.

Xadhiga ganacsatada iyo masuuliyiinta kale ayaa yimid kaddib markii ay dowladda ku eedeeyeen inay iibisay dhul Xabaalo ah oo ku yaalla Wajaale.

Saraakiisha Dawladda ayaa sheegay in dadka la xidh-xidhay ay amar diido iyo fowdo ku kaceen, sidaasi darteedna talaabadan laga qaaday.

Ganacsatada ay maanta ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen ayaa abaabulayay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan arintaasi.

Waxana goobtaasi maanta gaadhay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Gaadiidka Somaliland Cumar Cabdilaahi iyo Badhasaabka gobolka Gabiley.

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaarada Gaadiidka Somaliland oo ka hadlay goobta loo sameeyey gaadiidka ee sababtay khilaafka, ayaa uga digay dadweynaha in ay faro-geliyaan shaqada dawladda, isla markaana ka hor-yimaadaan waxyaabaha lagu horumarinayo danta guud.

Wararka aanu helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in 19-ka qof ee isugu jira Ganacsatada iyo dadka kale lagu kala xidhay xabsiyo ku yaala magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley.

 

Hargeisa Press Desk/Tog Wajaale Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here