Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Caleema-saarka Suldaan Maxamed Cabdilaahi Axmed (Sul.Maxamed Ciroole).

0
1101

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Caleema-saarka Suldaan Maxamed Cabdilaahi Axmed (Sul.Maxamed Ciroole)  oo maalmaha soo socda lagu caleeema-saari doono degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodi-jeex.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Axmed (Sul.Maxamed Ciroole)  oo kamid ahaa mujaahidiintii xoriyada dalka usoo dagaalamay isla markaasina qayb-weyn kasoo qaatay, dadaaladii dib-u-heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, ayaa waxa uu 25-kii sano ee ugu danbaysay kamid ahaa ganacsatada dhinaca xoolaha ee dalka.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Axmed (Sul.Maxamed Ciroole)   oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal-adayg, daacadnimo ku dheehantay, ayaa bulshadu aad ugu diirsadeen, markii ay soo gaadhay shaacinta xaflada caleema-saarka Suldaanka, oo beeshiisu u cugatay, inuu noqdo Suldaankooda iyo hogaamiyahooda dhaqanka.

Waxaana maalmihii u danbeeyey aad looga dareemayaa caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeedaba, qaban-qaabada munaasibada caleemo-saarka Suldaanka oo kasoojeeda, beel kamida beelaha ugu miisaanka culus gobolka maroodi-jeex, gaar ahaana, Caasimada Hargeysa iyo degmooyinka Sabawanaag iyo Cadaadley.

Guntii iyo gabagabadii waxan ilaahay uga baryayaa, Suldaan Maxamed Cabdilaahi Axmed (Sul.Maxamed Ciroole)  in uu Ilaahay ku asturo xilkaas, culus ee loo cumaamaday.

Allaa Mahadleh

 Sharmaake Cali Haybe

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY