Wasiirka Ganacsiga Iyo Gaadiidka Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka qayb galay Carwada Wax Soo Saarka Kaluunka Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Jeediyey + Muuqaal

0
1056

HARGEISA, (HargeisaPress) — Wasiirka Ganacsiga Iyo Gaadiidka Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil oo Maanta ka qayb galay Carwada Wax Soo Saarka Kaluunka Somaliland ayaa ka hadlay.

 

Carwadan maanta ka furantay Hargeysa ee kalluunka waxay soconeysaa saddex maalmood iyada oo dadkuna saaka iibsanayeen kalluun kala nooc ah.

 

Khadar Cabdi Ismaaciil wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay Hargeysa soo gaadhay ayaa ka qayb galay Carwada iyagoo sheegay in dawladdoodu mudnaan siinayso Kalluunka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Ganacsiga DDSI ;

 

Khadar Cabdi Ismaaciil oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi; ’’Waxa sharaf ii ah inaan maanta kasoo qay-galo bandhig carweedkan Oo aad ku maamusaysaan ama ku qabanaysaan xafladda maalinka Kalluumeysiga, Kollay fursadan ismaan lahayn waad la kulmaysaa markaan imanaayay laakiin nasiib wanaag waxay noqotay inaan la kulmo, waxaana jecelnahay haddaan naahay DDS ama shacabkeedii ka mid nahay inaad na bartaan sdia kalluunka loo isticmaalo…. Muddooyinkii ugu danbeysay ama shantii sanno ee ugu danbeysay itoobiya waxa la aas-aasay wasaaradda Kaluunka iyo Xoolaha,’’

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here