HARGEISA, (HargeisaPress) โMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa Carwada Kaluunka oo socondoonta Muddoย Sadex Cisho Ah waxaana lagu soo bandhigayย Wax Soo Saarka Khayraadka Baddaha Somaliland ka Buuxa oo uu ka mid yahay Nocyada kala duwan ee Kaluunka.
https://www.youtube.com/watch?v=7ve04xLn_zc
Munasibadaasi oo si Qurux baddan loo sooo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, Xildhibaano, Shirkada Kaluunka Iibiya, dadweyne iyo Masuuliyiin Wasiiro ah oo ka socday Dawlad deeganka Itoobiya.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysigaย iyo Khayraadka badaha ee Somaliland Cabdi Gurayย oo ka hadlay Carwadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in tirro msuuliyiiin oo intaasi leegi ka soo qaybgalan Xafladaasi.
Waxanu faahfaahin ka bixiyey Ujeedda ay u qabteen carwadaasi.ย โbandhig carweedka kaluunka ee aynu maanta bilaabayno waxaanu soo wadnay mudo sadex bilood ah,, dabaal dagii kaluunkuna shalay ayuu ka soo qabsoomay magaalada Berbera,waxaanan leeyahay waa in laga faaโiidaystaa mudada ay socoto carwadani.โAyuu yidhi Agaasimuhu.
Gudoomiyaha somaliland u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu sheegay in haatan lagu gudo jiro sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka budhcada kaluunka waxanu yidhi โwasaarada kaluumaysiga waxaan ku bogaadinayaaย horumarka ay gaadhay, shaqada xafiiskaygu waxa uu ahaa la dagaalanka badhcad badeeda,taasi markii ay yaraatayna waxa soo baxday budhcad kaluun, markaa hayโaddaha amniga, wasaarada kaluumaysiga, beesha caalamka iyo wadamada jaarkaba waxaanu iska kaashanaynaa sidii meel looga soo wada jeesan lahaa budhcada kaluunka ee soo baxday.โAyuu yidhi.
Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland marwo shugri Xariir Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa waxay ka warantay faaโiidada uu kaluunku u leeyahay haweenka waxaanay tidhi โ Anigu dhinaca aan iska taagayo faaโiidada kaluunka waxa weeyaan faaโiidada uu u leeyahay hooyada iyo dhalaanka, hooyada inta badan waxa saamaysa nafaqo daro xiliga ay uurka leedahay iyo xiliga ay jaqsiinaysoย waxaana sababta aqoon laโaan ina haysa, haddii ay hooyadu cunto khudrad cagaaranย iyo kaluunka waxay noqonaysaaย mid jidh ahaan iyo qalbi ahaanba caafimaad qabta.โayey tidhi Wasiirkuxigeneku.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Xildhibaano waxanay iska dabba mareen Faaโiida uu leeyahay Kaluunku.
Waxa kale oo ka hadlay Masuuliyiinta Shirkadaha Kaluunka ka shaqeya Sidda Puntus marine, Gamuur, Union Fishย iyo Shirkado kale waxanay tilmaamen in shirkadahoodu kaluun baddan soos aran isla markan dal iyo dibad ku filnaan karan.
wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil oo munaasibadaasi ka qaybgalay ayaa sheegayย in dawladdoodu mudnaan siinayso Kalluunka Somaliland sidii ay uga iibsan lahayd, isla markana wasaarada Kaluunka u gaar ah ayย itoobiya sameysay.
Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga somaliland Cali Jaamac buureed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyeyย ganacsatada soo bandhigtay wax soo saarkooda dhinaca kaluunka waxanu yidhi โwaxan u mahadnaqayaa dhamaan Ganacsatada Yar yare ee maanta ku soo bandhigay halkan ganacsigooga kaluunka iyo sido kale cid walba oo danaysa Kaluumaysiga waxana leeyahay maanta waa maalin farxad leh waayo waxan soo ban dhignay wax aan mudo badan soo wadanay hadaan nahay bahda kaluunkaโAyuu yidhi .
Gabagabdii waxa munaasibadaasi soo af meeray Madaxweyne Xigeenka Somaliland Waxan Yidhi โ waa inoo farxad dhamaanteen siiba dadka kaluunka ka shaqo leh in aan maanta soo bandhigno Carwo Ganacsiyeedka Kaluumaysiga Somaliland .
HargeisaPress News Desk โ Hargeysa