Wasiirka Duulista oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Heer Sare ah oo ka Socda Dalka Tukriga+ Terminal-ka Cigaal International Airport oo Dhismihiisa Qalinka ay ku Duugidoonaan + Turkish Airlines oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Dalka

0
1021

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradaas Axmed Nuur Faahiye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Dalka Turkiga oo uu hogaaminaayo Ali Noyan , Turkey Consulate General Somaliland, waxa uu waftigu ka koobnaa laba qaybood, U Qayabsanaha Turkish Airline Ebubekir Ekici iyo Ramazan Senturk oo ka socda Company-ga Kozuva Group Of Companies.

Ujeedada socdaalka waftiga ayaa ahayad sidii Dawlada Turkigu u dhisi layahad Terminal Casri ah oo uu yeesho Madaarka Cigaal International Airport iyo sidii ay Diyaarada Turkish Airline duulimaadyo uga bilaabi lahayad Somaliland.

 

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo kulankaasi kadib Saxaafada la hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeedka socdaalka waftiga waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay:-” Waxa aanu maanta halkan shir ku wada  galnay wafti balaadhan oo ka socda Dawlada Turkiga waftigaasi labo qaybood ayuu isugu jiray qaybi waxay usocdeen suurtagalnimada iyo sidii loo bilaabi lahaa inay Turkish Airline  ugu bilaabi lahayd hawlo shaqo Jamahuriyada Somaliland, waxa waftiga kamid ahaa Ebubekir Ekici oo ah uqaybsanaha hawlaha Geeska Africa ee Diyaarada Turkish Airline, waftiga waxa hogaaminaayay qunsulka Dawlada Turkiga u jooga Somaliland iyo gacan yarahiisa waxa kaloo ka qayb ahaa Company horena wada hadal noogu socday oo la yidhaahdo  Kozuva Group Of Companies wadahadalkaasina waxa uu ku saabsanaa sidii Terminal cusub oo casriya looga dhisi lahaa Madaarka Hargeisa. Runtii labo jeer oo hore ayaanu kulanay intii aan wasaaradan wasiirka ka ahaa qodobo aanu kula tagnay way jireen waxaad maanta moodaa inaanu isku soo dhawnahay sidii wadahadal iyo heshiis laga gaadho sidii loo samayn lahaa Terminal cusub oo casri ah oo uu yeesho Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeisa.”

Wasiirku isaga oo ka hadlaaya imaatina Diyaarada Turkish Airline, waxa uu yidhi:-“Qolada Turkish Airline  waxaanu isla meel dhignay inay duulimaadyadooda ay bilaabaan laakiin qodobo ayaa noo dhiman weli aanu isla eegayno hadii kuwaasi noo suurto galaan waxay noqonaysaa inay duulimaad toosa oo Yurub ah bilaabaan oo ah Jabuuti-Hargiesa – Istanbul  ama noqdaana  Istabul-Hargiesa –Jabuuti, markaa weli wadahadal baa noo dhiman waananu xalinaynaa insha allaahu tacaalaa waftigu shalay ayuu yimi maantana waa nala joogayaa berina way noqonayaan, “

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- “ waxaanu isla eegaynaa hindisayaasha iyo qorshayaasha anagoo tixgelinayna tirad rakaabka ( passengers)  aanu haysano  sanadkii diyaaradaha heshiiska hore ugu jiray ixtiraamayna iyo sidoo kale anaga oo eegayna baahida loo qabi karo in Diyaaradaasi timaado oo fursad wanaagsan u ah Somaliland anaga oo ka fikirayna sidii labadaasi isu qaban lahaayeen labadaba isku ilaalinayna ayaanu isla gaadhnay inay duulimaadyadooda ka bilaabaan Madaarka Hargiesa wixii technically ah way noo hadhsan yihiin inay mudo qaadatna waa laga yaabaa.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in wakhtigan heshiiska Terminal-ka lagu dhisayaa, gabagabo yahay waxaana uu yidhi:-“ Tan kale ee Terminal  kana si guud waanu isla waafaqnay qodobo yar oo muhiima ayaa noo dhiman kuwaa hadii aanu isla meel dhignana waxay noqonaysaa inaanu heshiiska iskaashi ka gaadhno,”

Wasiir Faraxaan waxa uu tilmaamay in talaabadan faaiido ugu jirto Qaranka, waxaanu yidhi:- “Waxaan leeyahay waa fursad wanaagsan oo usoo korodhay Somaliland oo horumarka iyo himilooyinkii Madaxwayanaha ka mid noqon doonta oo hirgalay hadii hawshaasi noo suurto gasho mudada ka hadhay doorashada”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here