Wasiirka Degaanka Oo Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga

0
502

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maanta soo xidhay tababar muddo shan maalmood ah u socday isuduwayaasha gobolada iyo xubno ka mida shaqaalaha wasaaradaasi.
Tababarkaasi oo socday muddo shan maalmood oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa ayaa ku saabsanaa sidii loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah ee waddanka.


Waxaana tababarkaasi intii uu socday lagu falan qeeyay sidii loo bad-baadin lahaa degaanka loo na joojin lahaa xaalufka daran ee lagu hayo Dhirta iyo deegaanka.
Wasiirka wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo tababarkaasi maanta soo xidhay ayaa ka soo qayb galeyaasha kula dar-daarantay in casharada ay halkaa ku barteen ay kula noqdaan gobolada ay ka yimaadeen.
Waxaanu ku adkaysay xubnaha tababarka qaatay in aqoontii ay barteen ay uga faa’iideeyaan shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala xarumaha iyo xafiisyadda goboladda dalka ee wasaaradda Degaanka si ay uga shaqeeyaan ilaalinta deegaanka.


Geesta kale intii uu tababarkaasi socday waxaa kormeerro shaqo loogu baxay deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex oo ay ka muuaqato dhibaatooyin loo gaystay Deegaanka.
Waxaana meelaha ay soo mareen ka mid ahaa degaanka Dhaboolaq, iyo meello kale oo ah goobaha uu ka soo bilaabmo dooxa weyn ee dhex mara caasimadda Hargaysa.


Goobahaasi ay xubnahan tababarka qaatay soo mareen waxay ku soo arkeen dhibaatadda daran ee xaalufka dhirta iyo nabaad-guurka ee loo gaystay dhirta iyo degaankaba.
Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa si weyn ugu mahad celisay haayada (ADRA) oo qabsoomidda tababarkani ka caawisay wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here