Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Sharaxaad ka Bixiyey Qalabka Diwaan-gelinta Madaniga Ah Oo Dalka Soo Gaadhay

0
1001
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa,(HargeisaPress) — Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in Qalabkii lagu diwaan galinayay Muwaadiniinta Somaliland dalka soo gaadhay.

Wasiir Warancadde oo warbaahinta kula hadlay Xarun Cusub oo loo dhisay Wasaaradda ayaa sheegay in qalabka si dhakhso ah loo gaadhsiin doono meel kasta oo diwaan galintu ka dhacayso.

“Waxa xaruntan cusub ee wasaarada arimaha gudaha lagu rogayaa qalabkii diwaan gelinta muwaadinka oo sidii aanu hore u sheegnay  dedaal badan iyo hawl loo galay ka dib soo dhamaatay, halkan ayaana lagu xidh xidhayaa waxaana todobaadka soo socda la gaynayaaa  goobihii loogu tala galay diwaan gelinta muwaadinka  ee guud ahaan wadanka oo dhan.”  Ayuu yidhi Wasiir Warancadde

Wasiirku waxa uu sheegay in Marka diwaan galinta la hir galiyo aanay dadku Kaadhka la’aantii waxba qabsan Karin “Wixii imika ka danbeeyana xawaaladaha, meelaha laga qaato lacagaha iyo baananka waxa lagu xidhayaa inaanu qof aan kaadhka aqoonsiga sidani aanu lacag ka qaadan doonin lacagna aanu dhigan doonin. waxa kale oo laysku  waydiin doonaa Hudheelada, dhakhtarada iyo inaanu qofku shaqooyinka kale ee bulshadu ay xaqa ugu leedahay hay’addaha dawlada aanu heli Karin,  qofkuna waa inuu somaliland noqda ama qof ajanabi ah noqdaa”  ayuu yidhi wasiirku

Wasiirka Daakhiligu waxa uu sharxay doorka uu diwaan galinta Codbixiyaha ku leeyahay Kaadhkan iyo Cimrigiisa waxanu yidhi “Si aynu u helno doorashooyin cadaalad ah oo qofku far kaliya dhiibto kaadh kaliyana helo  oo aanu ku noq noqon ayey dawo ka tahay, waxa kale oo ay dawo ka tahay inaanu qof kasta oo iska yimaada goobaha codbixinta aanu codayn Karin, somalilanders-ka oo kaliya ayaana xaq u leh inay codeeyaan si xaqaas muwaadinka loo sugo ayaa loo sameeyey kaadhkan isla markaana si ay meesha uga baxdo  ku noq noqoshadii iyo inuu qofku dhawr kaadh yeesho qofkuna uu yeesho hal cod taas ayuu damiin ka yahay, waxaanu sahlayaa marka la samaynayo diwaan gelinta codbixiyayaasha inuu qofku si sahlan u qaadan doono kaadhka codbixinta oo isagu hal mar shaqayn doona laakiin kaadhka diwaan gelintu waligii wuu shaqayn doonaa, marka ciidamadu ku joojiyaana waxa ugu horeeya ee lagu waydiinayaa kaadhka aqoonsiga sidaas darteed waxaan dadka ugu baaqayaa marka ay diwaan gelintani bilaabanto inay hore u yimaadaan goobaha diwaan gelinta.”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here