Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caaliga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (xuseen-dayr), ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Dr. Muuse Qaasim Cumar.
Munaasibadda xil-wareejinta oo lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaaladda Hargaysa ayaa wax aka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray wasiirro, agaasimeyaal, xildhibaano, shaqaalaha iyo agaasime-waaxeedyadda wasaaradda ganacsiga iyo marti sharaf kale.
Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsomay mudadii uu joogay.
Halkan hoose ka daawo khudbadii wasiirkii hore Dr. Muuse Qaasim:
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caaliga ah ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (xuseen-dayr).
Halkan ka daawo hadalka wasiir Dayr:
HargeisaPress News Desk — Hargeysa