Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Laga Hirgeliyay Arabsiyo

0
468

Arabsiyo (Hargeisa Press): Wasiirka wasaradda Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta xadhiga ka jaray Ceel biyood Riigg ah oo laga hirgeliyay magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
Ceel biyoodkan Riigga ah waxaa hirgelintiisa iyo fulintiisaba samaysay wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland.
Magaaladda Arabsiyo ayaa biyaha ka heli jirtay hal ceel, iyadoo dadweymaha magaaladaasi ay aad u soo dhaweeyeem ceelkan cusub ee la sameeyay.
Munaasibadda xadhig ka jarista ceel biyoodkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Arabsiyo Xamse Xaaji Xuseen.


Wasiirka wasaaradda niyaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ceelkan cusub ay ku tallaali doonaan ceelkii ay markii hore biyaha ka heli jireen dadweynaha magaaladda Arabsiyo.
Badhasaabka gobolka Gabiley oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ceelkan riigga ah ee wasaaradda biyuhu ka hirgelisay magaaladda Arabsiyo.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi;


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here