Wasiirka Biyaha oo Shaqada Ka Joojiyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi

0
1449

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa shaqada ka hakiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Dirir.

Wasiirka, ayaa Agaasimaha ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin in uu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn, in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka.

Sidoo kale, Warqadda shaqada lagaga joojiyay Agaasimaha, ayaa lagu sheegay in shaqada wasaaraddu ay hakad ku timid islamarkaana aan laga jawaabin waraaqo iyo xidhiidh dhanka emailka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here