Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Ka Warbixiyay Safar Shaqo Oo Uu Ku Tegay Wadamo Ka Tirsan Yurub

0
812

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo muddo laba todobaad ah safar shaqo ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa manta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka ayaa dalka Jarmalka kaga qayb galay shir caalami ahaa oo ku saabsanaa horumarinta wax-soo-saarka Afrika, caqabadaha hor taagan iyo sidii suuq-gayn loogu heli lahaa. Kaasoo ay ka soo qayb galeen wadamo badan oo Afrikaan ah.

Waxaana shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cuntadda iyo beeraha dawladda Jarmalka, isla markaana Somaliland lagu soo casuumay.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Hargaysa ku soo dhaweeyay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha, agaasime-waaxeedyadda iyo qaar ka mida shaqaalaha wasaaradaasi.

Wasiir Axmed Muumin Seed, oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargaysa markii uu ka soo degay ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkiisa iyo shirarkii uu ka qayb galay.

Waxaanu sheegay in magaaladda Berlin ee caasimadda Jarmalka uu kaga qayb galay shir caalamiya oo lagag hadlayay horumarinta wax-soo-saarka Afrika oo ay ka soo qayb galeen wadamo badan oo Afrikaan ah.

Waxaanu yidhi, “Socdaalkaygu wuxuu ku sal lahaa, marti qaad aan ka helnay shir weynaa oo caalami ahaa, oo dalka Jarmalka magaalo madaxdiisa Berlin lagu qabanayay, oo aan ka qayb galnay.

Shirkaasi waxaa lagaga hadlayay arrimaha wax-soo-saarka beeraha. Waxaanay dawladda Jarmalku ku marti qaadeen oo ka soo qayb galay wasiirrada beeraha ee wadamadda Geeska Afrika, oo ay Somaliland-na qayb ka ahayd”.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, “Wuxuu ahaa shir lagaga wada tashanayay sidii Afrika looga horumarin lahaa dhinaca wax-soo-saarka beeraha, si ay u yaraato dhibaatadda tahriibka iyo macaluusha fara badan ee Afrika ka jira.

Waxaa laga wada hadlay wax-soo-saarka wadamadda Afrika sidii loo suuq-gayn lahaa. Caqabadaha haysta dhinaca wax-soo-saarka ee Afrika oo dhan iyo sidii loo horumarin lahaa. Shirkaasi wuxuu ahaa mid Somaliland guul ah, saaxiibo bada-na aanu ku soo samaysanay”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in ay kadib markii uu dhamaaday shirkii caalamiga ahaa ee uu Jarmalka kaga qayb galay in uu booqasho ku tegay jaamacadda Amezaderm ee dalka Holland, taasoo uu marti qaad ka helay.

Waxaanu yidhi, “Markii shirkaasi ooh al maalin ahaa uu dhamaaday dabadeed, waxaan sii wadanay safarka oo waxaanu marti qaad labaad ka helnay jaamacadda Amezaderm University oo khubarro Itoobiyaan ah oo dhinaca beeraha nagala shaqaysaa ay igu xidheen.

Jaamacadaasi waxaanu kala hadalnay sidii ay tababar noogu siin lahaayeen shaqaalaha wasaaradda beeraha Somaliland iyo deeqo waxbarasho oo dhinaca beeraha ah. Taana way naga aqbaleen, aad iyo aadna way noo soo dhaweeyeen”.

Dhinaca kale wasiirka beeraha ayaa intii uu ku guddo jiray safarkiisa waxa uu soo maray saddex wadan oo kala ahaa Jarmalka, Holland iyo Belgium-ka.

Waxaanu sheegay in dalka Holland uu kula kulmay xildhibaanka ugu taariikhda dheer baarlamaanka dalkaasi, xildhibaankaasi oo u ol’oleeya wadamadda aqoonsiga raadinaya.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xildhibaankaasi uu kala hadlay sidii uu Somaliland gacan uga siin lahaa arrimaha aqoonsi raadinta.

“Saddex wadan ayaanu marnay, oo kala ah Jarmalka Belgium iyo Holland. Belgium waxaanu la kulanay dhalinyaradda reer Somaliland. Waxaanan uga waramay xaaladda dalka.

Holland waxaan la kulmay xildhibaanka ugu taariikhda dheer, oo muddo 20 sanadood ah xildhibaan ka ahaa baarlamaanka Holland, oo u ol’oleeya wadamadda aqoonsiga raadinaya.

Waxaanan ka wada hadalnay Somaliland oo muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah aqoonsi raadinaysay, sidii uu inooga gacan siin lahaa.

Xildhibaankaasi wuu igula balamay in uu dalka yimaado. Si uu u arko nabadgeliyadda, xasiloonidda iyo horumarka iyo dimoqraadiyadda ka jirta Somaliland”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here