Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Booqday Xarunta Barashada Dastuurka Somaliland

0
338

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta booqday xarunta Barashada Dastuurka Somaliland ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana wasiirka daakhiliga xarunta ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.
Xarunta barashadda dastuurka Somaliland ayaa waax ahaan hoos timaadda wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.


Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa wasiirka arrimaha gudaha warbixin ka siiyay hanaanka ay xaruntaasi u shaqayso iyo waxyaabaha ay bulshadda ku soo kordhisay mudadda ay jirtay.
Waxaanu sheegay Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, in xaruntaasi ay wax tar aad u weyn ku soo kordhisay bulshadda reer Somaliland, isla markaana ay bulshadda ka faa’iideen fahamka iyo barashadda dastuurka iyo shuruucda ka farcama.

Geesta kale Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo wasaaradiisaba ku bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee ay xaruntaasi hulshadda u hayso.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here