Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Si Cad U Soo Bandhigay Qodobo Ay Hore Ugala Heshiiyeen Soomaaliya oo Aan La Fulin

0
2072

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Somaliland ayaa shirka ka furmay Jabuuti, oo ay la leedahay Soomaaliya ku soo bandhigtay, qodobo ay sheegtay in hore ugula heshiisay Soomaaliya oo aan la fulin.

Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Dowladda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa waxaa uu si cad u soo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre u sii kiciyaan xiisada labada dowladood.

Sidoo kale, wasiir Faratoon ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay hore ugala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsamo lacagaha kasoo baxa, midaasi oo ayna weli fulin xukuumada Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here