Wasiirada Arimaha Dibada Ee Wadamada Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Riyad Iyo Ka Maqnaanshaha Somaliland

0
990

RIYADH —Toddoba(7) Dal Ee Kala ah Saudi Arabia, Jordan, Djibouti, Sudan, Somalia, Egypt iyo Yemen ayaan maanta Wasiiradoodda Arimaha Dibeddu magaalada riyaad ee dalka  Sucuudi Carabiya Ku Kala saxeexdeen Xeer-hoosaadka Golahaas cusub ee ay Yeelanayaan wadamada kulaala gacanka badda cas.

Hindisaha samaynta Golahan ayaa waxaa soo-jeedintiisa lahaa dalka Sucuudiga DEC 2018, Waxaanaa loo saaray Guddi farsamo oo ilaa xiligaa Ka soo shaqaynayay nooca uu noqonayo Goluhu, Wadamadda Ka midka Noqonaya iyo arimaha uu Ka shaqaynayo. Sidaas oo ay tahay, waxa kulanka maanta Ku soo hagaagay Iyadoo xiisadii ka dhalatay Dilkii Jeneraalkii reer Jiraan ee Suleymani taagan tahay taas oo laga cabsi Qabo In ay Jiraan talaabooyin aar-gudasho ah oo ay qaado dalka Iiraan saamayna kara marinka Badda cas iyo Gacanka.

Waddanka Eriteriya oo xuduud badeed  dheer Ku leh Badda cas ayaan ka cudur-daartay Xubinimada DAN-WADAAGTA Badda-cas iyo Gacanka.

Sidoo kulanka kadhacay magaalada riyaad ayaa waxaa ka dhex muuqday wadan sideed oo lagu soo daray kamid noqoshadiisa danwadaagta bada cas iyoo gacanka Cadmeed.

Dhanka Kale xukuumada JSL oo iyana ku teedsan Gacanka Cadmeed kuna leh xuduud baddeed 850 km ayaa si wayn u saluugtay bilowgii hore inaan talo laga waydiin masiirka marin-biyoodka muhimka ah ee Baabul-mandabka. Tiraba laba waraaqood oo salluugaas ah ayay qortay.

Hase ahaatee, waxay intii dambe Xukuumaddu u muuqatay inay indhaha Ka qarsatay oo kulanadii guddida farsamada ay SOOMAALIYA Cid u soo magacaabatay kana talinaysay aayaha xuduudda baddeed ee Jamhuuriyada . Somaliland. isagoo shirkan uu goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada somaliya.

Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ku tagay  Sucuudiga iyo Safaro dhowr ah oo Djibouti ah kadib, Xukuumadda madaxwayne  Muuse Biixi waxaa afka uga buuxa biyo oo kama hadlaan arinka  Badda cas. Hore waxaa gacanta Xisbiga Kulmiye uga baxay Hawaddii Somaliland oo Ku baxay ogolaanshaha iyo Saxeexa Madaxwaynihii hore jsl Axmed  Siilaanyo,

Iyadoo wakhtigana umuuqata in Baddii JSL gacanta u gashay SOMAALIYA madaama xuduud baddeed oo JSL leedahay ay Ku metelayso JSL. Qaranimada JSL waxay ku taagnayd xuduudaha dhuleed, baddeed iyo hawo ee ay leedahay. Laba Ka mid ah xuduudahaas (Hawadda iyo Badda) Kulmiye iyo hogaamiyayaashii SNM ee hogaaminaya la-soo noqoshada ayaa ogolaanshahoodu lagula wareegay.

Ugu dambayntii, waxaa Xukuumadda looga fadhiyaa inay cadayso mawqifkeeda arinkan. Waxaa looga fadhiyaa saacadaha soo socda iney dadka u cadeyso Wadamadda saaxiibka aynu la nahay ee Djibouti iyo Sucuudiga/Imaaraadka waxa uu noqonayo xidhiidhkeena aynu la yeelanayo mustaqbalka madaama ay la safteen SOOMAALIYA?

https://somalilandpress.net/2020/01/06/arab-african-alliance-announced-in-riyadh/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here