Wasiir Sacad oo Digreeto Ku Go’aamiyay Ganaaxa Baadhitaanka Badqabka Gaadiidka

0
1263

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa digreeto wasiir ku go’aamiyay ganaaxa baadhitaanka badqabka gaadiidka, Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday wasiirka.

Wareegtadan wasiirka, ayaa waxa lagu sheegay in muwaadin kasta ay ku waajibinayso inuu gaadiidkiisa mariyo baadhitaanka badqabka gaadiidka si aanay ugu dhicin ganaaxyadaasi.

Go’aankaas oo u dhignaa haddii la qabto gaadhi aan haysan warqadda badqabka gaadiidka sida waafaqsan xeerka gaadiidka la marin doonno tallaabo sharciya.

Waxaa kale oo wareegtada lagu sheegay in gaadhiga aan haysan warqadda badqabka gaadiidka Toddobaadka 1aad laga qaadi doono ganaax lacageed oo dhan 30,000 oo Somaliland Shilin ah.

Wareegtada, ayaa sidoo kale lagu sheegay Gaadhiga aan qaadan waraaqda badqabka Maalinta ay todobo cisho ka soo wareegto laga qaadi doonaa 60,000 oo Somaliland Shilin ah.

Sidoo kale, waxaa wareegtada lagu sheegay hadii aanu muwaadinka Gaadhiga wataa qaadan waraaqda badqabka gaadiidka maalinta ay afar iyo toban cisho ka soo wareegto laga qaadi doono 120,000 oo Somaliland Shilin ah.

Hoos ka akhriso wareegtada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here