Maal-qabeen U Dhashay Imaaraadka oo Kormeer Ku Tagay Dekedda Berbera

0
878

Berbera (Hargeisa Press)- Wefti maal-qabeenno ah oo ka socday dalka Imaaraadka Carrabta, ayaa waxaa ay maanta booqasho ku tegeen dekadda magaaladda Berbera.

Wefdigan ka socday dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambasador Cabdifataax Siciid Axmed.

Ujeedka socdaalka weftigan, ayaa salka ku hayay sidii ay indho indhayn ugu soo samayn lahaayeen balaadhinta lagu sameeyay dekedda magaalada Berbera iyo fursadaha ganacsi ee dekedda ka jira.

Waxaana wefdiga halkaasi ku soo dhaweeyay Maareeyaha dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Madaxa shirkada DP World.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here