Hargaysa: Kulan Ku Saabsan Caqabadaha Ay Marraan Lacagaha Dibadda Loo Dirro

0
652

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay kulan ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa Caqabadaha ka jira hanaanka ay marraan lacagaha ganacsiga ah ee dalka dibadiisa uga baxa.

Shirkaasi oo uu soo qab-qaabiyay baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa intii uu shirkaasi socday waxaa dood iyo falan-qayn dheer laga yeeshay caqabadaha ku gedaaman lacagaha dalka dibadiisa loo dirro.

Waxaana shirkaasi lagu soo bandhigay deraasad uu baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland uu ka sameeyay hanaanka ay marraan lacagaha dalka dibadda uga baxa iyo kuwa soo gella.

Shirkaasi waxaa ka soo galay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, wasiirrada wasaarradaha Maaliyadda iyo maalgashiga, Baananka gaarka loo leeyahay, ururka xawaaladaha Somaliland ka hawl galla dalka.

Ururka baannanka gaarka loo leeyahay, shirkadda DP World iyo sidoo kale haayada maaliyadeed ee dalka.

Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wadanka ay soo gasho lacag badan oo dollar ah, sidoo kalena ay ka baxdo lacag dollar ah oo aad u badan.

Baqdaadi, ayaa tilmaamay in qabashadda kulani uu ku yimid codsi ka yimid ganacsatadda oo ka cabanaya in aanay wax lacag ah dalka dibadiisa u diri Karin.

Guddoomiyaha baanka dhexe waxa kaloo uu sheegay in gebagebadda kulankaasi ay si wada jir ah baanka dhexe ee Somaliland dhinacyadda kale samayn doonaan guddi farsamo.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay baanka dhexe ee Somaliland iyo baannanka gaarka loo leeyahayba in ay u dhaqmaan sidii baanan ka diiwaan gashan caalamka.

Sidaas darteedna ay la yimaadaan wax kastoo laga rabbo inuu yeesho baan caalami ah oo lagga hello, si ay u abuurraan kalsooni, isla markaana ay  taasi tahay mkid inaga inagu xidhan.

Wasiir Sacad, waxa uu soo jeediyay in looga baahan yahay baanka dhexe ee Somaliland iyo baananka gaarka loo leeyahayba in ay ku dedaalaan inuu dalkeenu soo jiito baanan caalami ah.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY