Wasiir Ku-Xigeenka Waxbarashadda iyo Badhasaabka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsi Ay Hirgelisay Haayadda HIS

0
435

Gabiley (HP): Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo badhasaabka Gabiley ayaa wada jir ah xadhiga uga jaray dugsi H/dhexe oo laga hirgelliyey degaanka Carro-Malko ee gobolka Gabiley.
Dhismaha dugsigan waxaa fulisay haayadda IHS, oo ah haayad laga leeyahay dalka Maraykanka, taasoo ka shaqaysa arrimaha waxbarashadda, isla markaana ka hawl-gasha dalal ay Somaliland ka mid tahay.


Waxaana dhaqaalaha ama miisaaniyadda lagu dhisay dugsigani ay bixiyeen qoys beeralay ah oo degan dalka Marayka (FAMILY WILIAM), iyo dawlada hoose ee degmadda Gabiley.
Furitaanka dugsigaasi laga hirgeliyay degaanka Carro-Malko ee gobolka Gabiley, waxa kaloo ka soo qayb galay maayarka Gabiley, agaasimaha haayadda HIS Mr. Jerry, Maxamed Ibraahim Qalinle, oo ah madaxa IHS ee Somaliland iyo masuuliyiin kale.


Sidoo kale isla haayadda HIS iyo qoyskan Maraykanka ah oo dhaqaalaha ka taageeraya ayaa sidan oo kale u ballan qaaday cagaarinta iyo casriyeynta garroonka qadiimiga ah ee Gabiley, kaasoo isna isla shalay ay masuuliyiintaasi dhagax-dhigeen.
Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay furitaanka dugsigaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dugsigaasi ay haayadda IHS ay hirgelisay.


Waxaanu tilmaamay inuu uga mahad celinayo qoyskan Maraykanka ah tageeradooda iyo inay iyagoo 10-qof oo hal qoys ka kooban ay yimaddaan Somaliland, si indhahooda ugu arkaan dimoqraadiyadda, dawladnnimada iyo ammaanka ka hana qaaday.
HALKAN KA DAAWO WARKAASI:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here