Wasiir Faaratoon oo Ka Jawaabay Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Ee Ku Saabsanaa DP World

0
2697

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay BBC Soomaali ayaa yidhi “Hadalkaa hadal khaldan baan u aragnaa, Aad baan ula yaabanahay wax dhowr sano ka hor sheekadoodu dhamaatay in Wasiirku ku soo celcelinayo oo uu illaa hadda hadal hayo, Somaliland, DP World iyo Itoobiya heshiisyada ay galeen ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, si Madax-banaan ayay u galeen, Cid kale oo ay wadaysan lahaayeen oo awood ku lihi ma jirto, sidaas ay ku galeen ayuuna ku dhamaanayaa, Mashruuciina dhammaad buu ku dhaw yahay oo meel wanaagsan buu marayaa.”

Faratoon wuxuu sheegay in Wasiir Cawed iyo Madaxda ka sarraysa ee Soomaaliya aanay isku hadal ahayn “Waxa layaab leh in Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Wasiirkaasi ay dhinac kaga hadlayaan isku soo dhawaansho, Isfaham iyo Wada-hadallo, haddana waxay sheeganayaan Somaliland..”

Waxaa muuqanaysa in markale uu soo laba kacleeyay khilaafkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, arrintan ayaa timid kaddib markii wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu waraysi uu siiyey telefishanka Al-Carabiya uu ku sheegay in shirkadda DP-World ee Imaaraadku ay khatar gelisay madaxbannaanida dhulka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here