Guddoomiyihii Gobolka Togdheer oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga (Sawirro)

0
1793

Istanbul (Hargeisa Press)- Ale ha u naxariiste waxaa maanta lagu aasay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Gudoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Marxuum badhasaab Xamse Maxmuud Cabdi ayaa u xanuunsanayey Kalyaha, isagoo xanuunkaasi u geeriyooday.

Aaska guddoomiyiihii hore gobolka Togdheer ayaa waxa ka soo qayb galay boqolal dadweyne badan oo ay ka mid yihiin Ardayda iyo Jaaliyada Somaliland ee dalka Turkiga

Waxaa uu marxuum guddoomiye Xamse Maxamuud Cabdi Xukuumadda Somaliland ka soo qabtay Badhasaabka gobolka Gabiley oo uu ahaa Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, iyadoo labadii sannadood ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na uu ahaa Badhasaabka gobolka Togdheer.

Ale ha u naxariistee gudoomiye Xamse ayaa waxaa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ku dedaal badan shaqadiisa, kana shaqeyn jiray nabadgelyada iyo horumarinta gobolada dalka ee uu xilalka ka soo qabtay.

Hargeisapress Desk/ Istanbul Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here