Wasiir Cukuse Oo Dalka Ku Soo Laabtay Sheegayna Inuu Fulinayo Cabashooyin Jaaliyaddaha Yurub U Soo Gudbiyeen

0
1082
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, oo dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in Jaaliyaddaha Somaliland ee uu kula soo kulmay Wadamada Yurubta Galbeed aad uga cabanayeen heerka qabyaaladu dalka ka marayso.
Waxa uu Ballanqaaday in Warbaahinta dawladda ee uu maamulo uu ka mamnuucayo in laga baahiyo cidkasta Af qabyaaladeed ku hadlaysa haddii ay Xukumadda taageerayso iyo haddii kaleba “Jaaliyaddii aan ku soo arkay Wadamada Yurubta Galbeed waa dad aad iskugu duuban, waa dad jecel Somaliland-nimada, waa dad neceb dhawaaqa qabyaaladda. Waxa ugu badan ee ay igala hadlayeen wuxuu ahaa inay aad uga xannuunsadaan markay warbaahinta ka daalacdaan qof qabyaalad ku hadlaya” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir Cabdillaahi Cukuse, waxa uu sheegay inaan warbaahinta Dawladdu xambaari doonin Qabyaaladda “Waxay Jaaliyaddu dawlad ahaan nagu dhiiri galiyeen bal inaanu xaggayaga ka dadaalno oo ugu yaraan aanay warbaahinta dawladdu xambaarin qabyaaladda.Maanta oo aan dalka gudihiisa joogo waxaan u ballanqaadayaa warbaahinta dawladdu inaanay mar dambe Magaca qabyaaladda Xambaari doonin ama Dawlad ha taageerayaan ama ha ka soo horjeedayaane” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir Cukuse oo amaanay hogaanka cusub ee Ururka SOLJA, ayaa sheegay inuu Warbaahinta Madaxa banaana kala hadlayo sidii loo joojin lahaa Wararka ku salaysan qabyaalada.
Tan iyo Markii Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka qabatay ayaa Dalka laga dareemay  isticmaalka qabyaaladda oo isa soo taraysa, iyadoo haatan saamaysay qaybaha kala duwan ee Bulshada. Inta badan Xukumadda ayaa Odayaasha deegaamada dhaqdhaqaajin jirtay si ay taageero ugu muujiyaan wakhtiyada xaaladdaha siyaasadeed la soo gudboonaadaan, iyadoo haddii Xukumaddu joojisana ay suuro gal tahay in Qabyaaladda la xamayn karo.

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here