Yaa Mudan Inuu Noqdo Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Cusub?

0
1063

Salaasadii todobaadkan waxa soo dhamaaday Doorashada Shirgydoonka Golaha wakiilada somaliland,ee Cusub.

Waxa iyana durbadiiba bilaabantay Raadinta jagada Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada oo isna ah Xil Shaqada golaha muhiim u ah ayaa waxa soo baxaaya baaqa iyo Fariimaha Talo soo jeedintaa ee Shacabka Somaliland u dirayaan Shirgudoonka Golaha wakiilada ee la doortay kaas oo laga codsanaayo in booska Xoghayaha Guud loo magacaabo shakhsi Aqoon iyo khibrada u leh shaqada golaha.

Waa kuma shakhsiga ku Haboon Xoghayaha Guud ee Golaha?

Cawad Cali Barre isagaa ku mudan

Baro Taariikhda Cawad Cali maxamed oo ah shakhsiga manta ugu mudan xoghayaha Golaha

Waxbarashada

• 2001 Wuxuu ka baxay DugsigaHoose/Dhexe Dugsiga Sh. Bashiir Hargeysa.
• 2005 Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare 26 June
• 2009 Wuxuu ka baxay Jaamacada Hargeysa Kuliyada Cilmiga Dhaqaalaha.
• 2012 wuxuu qaatay Diploma of Legal Drafting and parliament practice uu ku qaatay Online AGORA e-learning portal for Parliamentary Development.
• 2012 wuxuu Machadka Shaqaalaha ka qaaday Diploma of Public Administration
• Waxa kale oo uu qaatay koorasyo iyo seminaro ku saabsan shaqada Baarlamaanka

Shaqada.

2006 ilaa 2010 Xoghayaha Gudidda Arrimaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorshaynta Qaran DIbada ka ee Golaha Wakiilada.

2010 illaa hada Agaasimaha Waaxda Shuruucda, Fadhiyada, Gudiyada iyo Hadal-qoraalka ee Golaha Wakiilada.

Waaxdaas oo ah Waaxda ugu balaadhan uguna shaqo badan Golaha waxay ka caawisaa Shaqada uu Guud ahaan Goluhu u qaabilsan yahay ee ah Sharci-dejinta, La-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta Xukuumada iyo Matalaada Bulshada.

Waa Waaxda ugu shaqaale iyo shaqo badan Golaha Wakiilada, waana waaxda ay soo mareen dhamaan Xoghayayaashii hore ee Golaha Wakiiladu.

Masuuliyaadka shaqo ee Waaxda Shuruucda, Fadhiyada, Gudiyada iyo Hadal-qoraalka:-

1. Inay Fadhi kasta Goluhu yeesho ka sameyso Hadal-qoraal iyadoo duubeysa hadalada fadhiga laga yidhaahdo oo dhan ka dibna waxay u gudbisaa iyagoo Qoraal, Cod iyo Muuqaalba ah Xusuus dhowrka Golaha iyo mareegta (website) Golaha.

2. Hagaajinta, Faaf-reebista, iskugurista iyo hab-raac u samaynta Xeerarka Goluhu ka shaqaynayo iyadoo ka caawisa Golaha dhamaan shaqada Xeerarka ee Golaha.

3. Waxay diyaarisaa Warbixinada kala duwan ee Golaha sida Warbixinta Kal-fadhiyada, Warbixin Sanadeedka Golaha iyo Warbixinada Waxqabad ee Goleweynaha iyo Gudiyada gaar ahaabna.

4. Diyaarinta, Isku-dubaridka iyo Agaasinka Hawl-maalmeedka caadiga ah (Daily Activity) ee Fadhiyada Golweynaha.

5. Waxay Gudiyada ka caawisaa Xeerarka ay gacanta ku hayaan iyadoo kala shaqeynaysa Waaxda Gudiyada.

6. Waxay ka caawisaa Golewaynaha Shuruucda, habeynta iyo soo ururinta doodaha Xeerarka iyo isku gurida Xeerarka ka dib marka doodda la soo ururiyo.

7. Waxay Shir-gudoonka iyo Mudanayaasha u fududeysaa, kana caawisaa waxay u baahdaan xiliga lagu jiro Fadhiyada Goleweynaha ee Kal-fadhiyada.

8. Waxay Xubin kastoo ka mid ah Mudanayaasha ka caawisa helida Nuquladda Dhukmantiyadda Muhiim ka ah. Tusaale ahaan, Dhamaan Nuquladda Mashaariicda Sharci ee ay kamid yihiin, Xeerarka socda, Xeerarka la asnsixyay, Qoraaladda Doodaha, Miisaaniyadda, IWM.

9. Sidoo kale, waxay Waaxdu Faaf-reeb iyo Dib-u-eegis ku samaysaa Xeerarka, Warbixinada iyo Dukumentiyada kale ee kasoo baxa Fadhiyadda Goleweynaha.

FG: waa Hadii Xoghayaha hada la badalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here