“Wasaaraddu waxay shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba ku ilaaliso xeerka…”

0
466

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshaddaSomaliland ayaa sheegay in wasaaraddu ka shaqaysay inay shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba ku ilaaliso xeerka shaqaalaha rayidka ah.
Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, waxa kaloo uu xusay in wacyi galinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah uu si joogto ah uga baxo idaacadda Radio Hargaysa.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in sidoo kale la sameeyay Xeerka oo Mobile Application ah, isla markaana la qoray Qabyo Qoraalka Xeerka Ururada Shaqaalaha.
Waxaanu sheegay in ay dawladdu taageero maaliyadeed siiso Xidhiidhka Guud ee Mideeya Ururada Shaqaalaha inta ay isku filaansho gaadhayaan.

DAAWO: Agaasimaha Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here