Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland iyo Ururka HYDA Oo Daah Furay Mashruuca Barbaarinta Carruurta Dugsiyadda Dawliga ah. + SAWIRRO

0
1074

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare  ee Somaliland ayaa markii u horaysay dalka ka hirgelisay  barnaamij ku cusub waxbarashadda dalka, kaasi oo ah qaybta bar-baarinta caruurta ee dugsiyadda dawliga ah.

 

Barnaamijkaasi oo   si tijaabo ah looga bilaabay todoba dugsi oo dawli ah oo  ku yaala Caasimadda Hargeysa, waxaana barnaamijkaasi hirgelintiisa iska kaashanaya wasaaradda waxbarashadda,  Hay’adda  Phara  Foundation iyo Ururka Wadaniga ah ee HYDA.

DSC00049

Xaflad  lagu daahfurayay  barnaamijkan cusub ee ay wasaaradda waxbarashadda  iyo tacliinta sare ku soo kordhisay   dalka oo maanta  lagu qabtay xarunta dugsiga  Maxamed Aw Cali Dayib  ee magaaladda Hargaysa, waxaana xafladaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda waxbarashadda C/laahi Dheere, masuuliyiin ka socday hay’adda Pharo Foundation, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Maxamed Aw Cali Dayib.

DSC00084

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda  iyo tacliinta sare ee Somaliland  C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), oo furitaanka mashruucani hadal ka jeediyay ayaa  ka waramay barnaamijkani iyo tiradda dugsiyadda ee la doonayo in laga hirgeliyo.

DSC00069

Waxaanu yidhi “Farxad weyn ayay noo tahay wasaarad ahaan in aan ka soo qayb galno  xafladan lagu daahfurayo barnaamijkan mudadda dheer laga soo shaqaynayay, oo ka hirgeli doona  todoba dusgi  oo uu ka mid yahay dugsigan Maxamed Aw Cali Dayib.

DSC00045

Barnaamijkani waa tijaabo, barnaamijkani markii u horaysay ayaa hay’adan maxaliga ah ee HAYDA  ay ii keeneen maalmihii aan wasaaradda ku cusbaa  aad ayaan u soo dhaweeyay, waanan  fahmay baahidda loo qabo”.

 

C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere),  waxa kale oo uu  ka hadlay u jeedadda laga leeyahay barnaamijkani “U jeedadeenu waxaa weeyi  in dugsiyadda dawliga ahi ay helaan arday yar yar oo loo diyaariyo in ay hadhaw galaan,  fasalka koowaad in la hello, oo inta ka horaysana loo tababaro  far-barashadda, oo Qur’aankii la sii barro, oo akhlaaqiyaadkii la sii barro, oo qiimaha nolosha iyo sheekooyinka  la xidhiidha nolosha iyo waayaha  oo lagu saleeyay sida ay wax u fahmayaan caruurtu,  in la barro weyi u jeedadu” ayuu yidhi wasiirku.

DSC00088

Ugu danbayn wsiirku waxa uu kula dar-daarmay maamulka iyo macalimiinta iyo macalimiinta dugsiga dugsiga  Maxamed Aw Cali Dayib, in looga baahan yahay in ay caruurta yar yar ku tarbiyadeeyaan  akhlaaqda wanaagsan, isla markaana u tababaraan sidii ay iyagoo dhisan tahay waxbarashadoodu u geli lahaayeen fasalka koowaad.

 

Wasiirka oo arrimahaasi ka ahdlayay-na waxa uu yidhi “Waxaa la idiinka baahan yahay haddii aad tihiin maamulka dugsiga  iyo  ardaydan yar yar-ba, caruurtaasi yar yar in aad akhlaaq fiican bartaan iyo waxbarasho fiican in aad tustaan, oo halkii  waalidkood u gashaan inta ay idinla joogaan”.

DSC00075

Geesta kale waxaa munaasibadaasi  ka hadlay   Maxamed  Faarax, oo ka socday hay’adda phara Foundation      oo mashruucani hirgelinaysa waxaanu sheegay  in mashruucani uu yahay mid dawli ah, isla markaana  uu hoos imanayo  wasaaradda waxbarashadda.

 

“Mashruucani ma aha mid cid gaar ah ay leedahay, waanu ka duwan yahay sidaasi oo mashruuc xukuumi ah,  sida ay dusgiyadda hoose dhexe iyo sare  ee dawladu ay u yihiin xukuumi ayaa barnaamijkanina u hoos imanayaa dawladda”ayuu yidhi masuulkaasi u hadlayay hay’adda Phara Foundation.

DSC00047

Maxamed yusuf,  oo faahfaahin ka bixinayay waxyaabaha uu barnaamijkan bar-baarinta caruurta kaga duwan yahay kuwa  gaarka loo leeyahay ee hore dalka uga jiray, waxa uu yidhi “Barnaamijkan waxaa aasaastay qayb u gaar ah oo ka tirsan wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare, qaybtaasi oo xil saaran ilaalinta, daryeelka  iyo ka warhaynta manhajka waxbarasho ee caruurta la barayo”.

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay  agaasimaha Ururka wadaniga ah ee HAYDA Khaalid X. Aaden Cabdi ,  waxaanu tilmaamay in barnaamijkani uu noqon doono mid lagu sii fidiyo dugsiyadda kale ee dawliga ah, haddii lagu guulaysto qaybta hore ee barnaajimkani.

DSC00116

Khaalid X. Aaden Cabdi,  ayaa sidoo kale waxa uu mahad naq u jeediyay  maamulka iyo macalimiinta dugsiga Maxamed Aw Cali Dayib, sida wanaagsan ee ay munaasibadaasi u soo qaban-qaabiyeen.

DSC00113

isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaanu u mahad naqaynaa marka koowaad maamulka dugsiga Maxamed Aw Cali Dayib, oo sidii aanu barnaamijkani u qorshaynay si ka sii qurux  badan u soo diyaariyay. Waxay tallaabadani ina tusaysaa qiimaha ay leedahay in dugsiyadda dawliga ahi ay helaan qaybta bar-baarinta caruurta (KG), iyo sida ay muhiimka ugu tahay. Waanan soo dhawaynaynaa”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here