Cirro Xil Ma Warreejin Kaliya E, Somaliland Dhan Ayuu Ka Rarray, Hawd Iyo Awdal Na Waa Uu Kala Doortay.

0
1042

”Exclusive Power” Miyaan la moodin in awooddii Somaliland dhinac uun ku sii uruurrayso amma awooddii siyaasadda deegaanno gaar ah uun aad moodo in ay maroorsadeen?

 

Dal la wada leeyahay waa in la iska wada dhex arko. Dawladnimada Somaliland waxa ugu weyn saddexda dhadhaar ee ah hay’aadka sharciga (Fullin, Sharci-Dajin iyo Maxkamad xukun iyo tafsiir sharci bixisa).

 

Arrintaa waxa markii hore masuulliyadeeda lahaa Kulmiye iyo Ucid oo u ololeeyey in kursigii deegaannada Bari ee Wakiillada gacanta deegaannada beellaha dhexe loo soo galiyo.

 

Markaa se Madaxweynaha ayaan ka soo jeedin deegaannada beellaha dhexe ee Somaliland. Waxa se ay ahayd in markii Kulmiye xukunka yimi dhadhaarrada saddexda ah ee dawlanimo dib halkii Boorama loogu celiyo.

 

Taasi se ma aysan dhicin, waxa na ka dhashay Awdal State, oo nasiib wanaag markii danbe isla xukuumadda Kulmiye xalkeedii ku guuleysatay.

 

Maanta intiiba deegaannada beellaha dhexe ayaa isku taxay! Waxa iyana jira axsaabta qaranka, oo kaba sii dartay. Waar waxa kani waa ceeb iyo gunnimo siyaasaddeed oo taariikhi ah. waxa se ka dar oo dibbi dhal ah, in kuwii mucaaridka ahaa sii bara-dhaafinayaan ciddii la saluugsanaa!

 

Maalmaha kan waxa aan maqlayey xisbiga Waddani oo leh waa lagu midoobay Waddani. Waayo Cirro Guddoomiye-nimadii ayuu Beel kale oo dhexda ah ku warreejiyey, Hoggaamiye qayru-dastuur ahna waa uu soo waddaa, oo isna beellaha dhexda ka soo jeeda!

 

Hadda haddii in uun xataa cod la doonayo deegaannada Hawd iyo Awdal waa iyama? Awdal oo Gobol weyn ah kana mid ah Gobollada dalka ugu dadka badan in ka badan 120,000 ayaa iska diiwaan galiyey, oo u diyaar ah in ay codkooda dhiibtaan!

 

Haddii ay sidaa tahay Awdal oo Guddoomiye Xigeen haysata maanta maxaa loo dhaafinayaa? Ma ma gaydo ayaa mise waa nacasnimo siyaasaddeed oo kale?

 

Siyaasaddu aarsi wanaagsan ayey leedahay, halka aad nin ka qaadato, nin kale ayaad kaga tagtay. Waddani Awdal iyo Hawd ayuu kala doortay, wakhtiga doorashada la gaadho ayuu se garan doonaa natiijayada ka soo baxda.

 

Is-waydiin ka sokeysa oo kale ayaa se jirta oo odhaneysa siyaasadda Isaaqowday Somaliland ma ku dhismi kartaa? Taa akhristayaasha ayaan u dhaafayaa.

 

Sammaroon, Gabbooye iyo Harti xisbiyada miyaaney waxba ku lahayn iyagu? Mise qolladaa Sammaroon oo kaliya ayaa Ku-Xiggeen cawri gaf ah laga siinayaa si ay geerida u suggaan sidii Rayaale. Harti, Gabbooye iyo cid kale oo dhanna waa mooyi?

 

Kaaga darran e, Guddoomiye Xigeenka Waddani oo Gobolka Awdal ka soo jeeda, marka uu Cirro is casillo waa laga dul boodayaa oo isaga oo indhihiisu shan yihiin ayaa nin kale loo cummaamadayaa!

 

Su’aashu waxa ay tahay haddii Ina Muumin Seed uu Cirro sidaa dulmiga ah ka yeellay, deegaankiisa muxuu ku qancinnayaa hadhow, ma waa la innaga fiican yahay, oo dalka ayaa la innaga leeyahay baa?

 

Su’aal kale ayaa iyana meesha ku jirta oo ku socota walaalkay Haldoor-Barkhad Jamac Batun oo dhawaan isku taaggay murashaxnimo ku-xuggeen ah. Aad baa loo boggaadiyey, meel se uu jaan iyo cidhib dhigay la ma hayo maanta.

 

Haddii ay ahayd ii dheh, oo tus in Waddani yahay xisbi Somaliland wada leeyahay, maanta fikirkaasi waa uu goblamay oo uu afka ciidda la galay, is sharaxaaddii walaalkay na haddii ay ujeeddadeedu ahayd xisbiga uun ku wanaaji waxa ay dhacday khaatumo xumo iyo nabar caddaalad darro oo hore u qarsoonaa haddase boog ah oo dheecaanka qubbaya.

 

Illaa iyo hadda ma hayo Somaliland garaad fiican oo loo dhan yahay. Haddii aan dhaqan-siyaasaddeedka noocan oo kale ah la haggaajin jar ayey caddaalad darradu innaga tuuri.

 

Marka ay noqoto awood qaybsiga dalka, xisbiyada qaranka ee Kulmiye iyo Waddani wali waa bareejo, dhanka awood qaybinta deegaannada.

 

Dhanka kale kalmadda Midow talow miyaaney siyaasiyiinta Somaliland fahamsaneyn? Ma laba beellood oo Isaaq ah oo siyaasad yar oo dan ah ku kala manfac qaadanaya ayaa midawgu?

 

Maya kaasi ma aha midaw ee waa baddownimo tii ugu cuslayd. Midawga Somaliland anfacayaa, waa mid caddaaladeed oo tusaya muwaadinka Reer Somaliland deegaanka uu doono ha ka yimaado e, in Somaliland uu dalkiisii yahay.

 

Ugu danbeyn waxa aan soo jeedin lahaa in siyaasiyiinta axsaabta qaranku la yimaadaan midnimo weyn oo Somaliland ah, ee aan ahayn mid hal meel kaliya u haysata Somaliland.

 

Axsaabta mucaaridka ahi inta badan waxa fiican in ay ku dadaallaan unkidda siyaasad same-waddid ah, ee aan ahayn mid caalwaa ah oo il-duuf xaq-darro ahi buux-dhaafiyey, waxa laga fillaana yahay inay xaggal-daacdo.

 

Mohamed Hagi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here