Wasaaradda Qorshaynta Oo Daahfurtay Shirweynaha Qorshaha Horumarka Qaranka

0
497

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somalilad ayaa daahfurtay  shirwaynaha Qaran ee Yoolasha horumarka Waara.

Shirkan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii ay Somaliland qayb uga noqon laheyd dedaalka adduunyadu ugu jirto sidii ay horumar waara ugaadhi laheyd.

Shirkaas oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirada wasaaraddaha Maaliyadda, Biyaha, Deegaanka, Arimaha Dibedda, Tamarta iyo Macdanta,  wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dawladda, hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ahna kusimaha wasaarada qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa si rasmiya u daahfuray shirweynahaas waxaanu yidhi “Inkasta oo aynu horumar waara sameynay guud ahaan Somaliland gaar ahaan caasimada dhinackasta.

Haddana marka leyna barbar dhigo caalamka intiisa kale aad ayaynu uga danbeynaa xawaaraha caalamku ku socdaana aad ayuu uga badan yahay ka aynu innagu ku socono marka arrinka ku saabsan horumarka yoolasha waara dhab ahaantii waa mid muhiima, oo aan aheyn in aynu isugu nimaadno ka sheekeysano ka doodno kaliya sanadkii hal mar”

Agaasimaha guud wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka mudane Mubaarig Ibraahim Daljir oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaynu dooneyna sidii caadada inoo aheyd in Somaliland ay qayb ka noqoto dedaalada ay adduunyaddu ugu jirto sidii horumar waara loo gaadhilahaa, waxaa aynu dooneyna sida yoolasha horumar waara uu yeesho qaab isku dubbarid ama qaab ay isugu xidho dedaalada kala duwan ee ay wadaan.

Daneeyayaasha ku sugan Somaliland, hadday tahay dawladda ama urruradda bulshada, daneeyayaasha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, waxaa aynu ugu tallo galney shirkan oo aynu dooneyno in aynu sanad walba joogteyno inuu noqdo mid aynu iskaga wareysano, heer Qaran ahaan halkee ayaynu ka mareyna yoolasha horumar waara ee adduunyaddu ay higsaneyso”.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka En. Xuseen Ibraahim Buuni ayaa sheegay ka wasaarad ahaan inay ka go’an tahay sidii sanad walba loo joogteyn lahaa shirkani waxaanu yidhi  “Waa markii koowaad ee aynu Qaran ahaan qabsano shirkan Qaran ee lagaga hadlayo islamarkaana lagu soo bandhigayo yoolasha horumar waara.

Waxaa aanu wasaarad qorsheyn ahaan aanu ballanqaadeynaa haddii ILLAAHEY yidhaaho in aanu joogteyn doono sanad walbana aanu sidan oo kale u qaban doono, si aynu isugu nimaadno ugana wada hadalo innaga iyo daneeyayaasha innagala shaqeeya dhanka horumarka, isweydiino 17-ka hadaf ee dunidu dhigatay maxaynu ka qabaney? Maxaa innooga dhiman? Maxaa carqalado inna hor yimid? Maxaynu wixii aynu sanadahii hore ka soo baraney aynu uga faa’ideysano sidii aynu uga gudbi laheyn dhab ahaantii waa mid muhima”

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyana shirkaa hadal ka jeedisay,ayaa tidhi. “Waxaa aynu isugu iman doonaa madal kale oo la odhan doono, intaasi oo milyan oo Geed ayaynu beernay, intaasi oo dhul ayaa la eegay, intaasi oo Buurood ayaa Biyihii loo qabtay islamarkaana magaalooyinka fidaya waxaasi ayaa laga qabtay”

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ayaa masuuliyiintii shirkan soo qaban qaabiyay uga mahad naqay waxaanu yidhi “Shirkani qiimaha badan ee halkan innoogu qabsoomay ee ay inoo soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranku dhab ahaantii waa wax lagu farxo”

Waiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Proff: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon) oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi.“Waxaa lagama maarmaana qaybaha ay ka mid yihiin dawladda iyo xukuumadda, bulshada rayidka ah iyo maalqabeenada, in leyska kaashado sidii loo hirgalinlahaa qaybio badan oo fikirkana looga midha dhalinlahaa”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here