Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Sagootiday 15-Ka Mid ah Hawl-wadeenadeeda Oo Deeq Waxbarasho Ugu Baxay Waddanka Ethiopia + SAWIRRO

0
980

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa Maanta Sagootiday 15-arday oo kamid ah Hawlwadeenadeeda, kuwaas oo Deeq Waxbarasho ka Helay Waddanka Ethiopia.

Ardaydan la sagootiyey, ayaa Soo Baran Doono Cilmiga Loo Yaqaanno Hagista Diyaaradaha (Air traffic Control) oo ah Cilmiga Baahidiisu ka muuqato somaliland.

11100351_1598036617080290_4209125180022853814_n

Munaasibad kooban oo Ardaydan loogu qabtay Xarunta Madaarka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qabygalay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista oo uu ugu horreeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo saraakiil kale, iyadoo Halkaas lagu lafo-guray muhiimadda waxbarashada Ardaydaaasi u baxayaan iyo Sidii lagu helay.

Ardaydan ayaa la shaaciyey in kahor intii aan la go’aansan in la diro la siiyey waxbarasho luuqaddda ingiriisiga oo ay ay kusoo qaateen Jaamacadda Islaamic Online University, waxana isla halkaas lagu Guddoonsiiyey Shahaadooyin caddayn u ah Waxbarashadii ay Jaamacaddaas ka qaateen.

f0f54239b0b85e6f5c96079bd217a1b7_L

Ugu Horrayn Waxa Halkaas ka Hadlay Agaasimaha Waaxda Duulista Wasaaradda Duulista Hawada Sicdii Mahdi Ileeye Saqiiro, waxana uu sharraxaad dheer ka Bixiyey muhiimadda Cilmiga araydani soo baran doonaan iyo Sida qaranku baahida ugu qabo,

“waa markii ugu horraysay ee Wasaaraddu ay shaqaalaheeda tababar u dirto, dedaalkaasna waxa lahaa wasiirka, Cilmigan la idin diri doonaa waa Hagista Diyaaradaha(airtrafic Control)markaan shaqadaas idiinka warramana waa shaqo aad muhiim u ah oo dhakhtarnimada la mid ah, waayo intaas oo qof oo diyaaradda la socdaa nabadgelyadoodu gacantaaday ku xidhan tahay, Hadii uu qofku intaas oo qalad ah sameeyo waa xidhan yahay, waxana la doonayaa shaqadaa la idin dirayo waxa la idinka rabaa inaad aad ugu dedaashaan oo aanay dhallinyaronimo idinku dhaafin.” Ayuu yidhi Agaasime Saqiiro.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Xubno kamid ah Macallimiinta Jaamacadda Islaamic Online oo Ardaydaas soo Baray Luuqadda Ingiriisiga oo Halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday muddadii ay Ardaydaas wax soo barayeen iyo sidii ay ugu soo hagar baxeen inay seeskooda waxbarasho dhidibada u taagaan, waxana ay xuseen inay ku dedaaleen sidii ay u muujin lahaayeen Magaca wasaaradda ay metelaan iyo midka qarankaba.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna Halkaas dardaaran dheer uga jeediyey Ardaydii Waxbarashada loo dirayey oo dhammaantood ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Fursadda ay Xubnahaasi heleen.

Wasiir Xaashi, ayaa Hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq ballaadhan oo uu Dawladda Ethiopia uga Mahadnaqay Deeqdaas Waxbarasho ee ay Ardayda Siisay,

“waxan halkan uga mahadcelinayaa wasaaradda Ethiopia iyo waaxda Duulista oo deeqdan waxbarasho na siiyey, Deeqdaanna muddo dheer baanu daba soconay Ethiopiana waxanu nahay dad walaalo aha Geography ahaan isku mid ah, waana dal weyn oo inaga hana-qaad horreeyey” ayuu yidhi Wasiirku.

11129685_1598036607080291_1895980070203570876_n

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay cilmiga Ardaydaasi soo baran doonaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in baahida loo qabo in Somaliland Hawadeeda Maamulato oo hesho dadkii aqoontaas lahaa daboolan doonto, waxana uu yidhi,

“Fursad weyn bay inoo tahay inaynu maanta sees u dhigno, Ceelalyo-na u dirano inaad soo barataan Haggida diyaaradaha, shaqada aanu manta Doonayno inaad soo barataan Rag ajaanib ah, waana ku mahadsan yihiin oo ka abaal ka dhici mayno, laakiin waxaynu u baahanahay inaynu inagu waxeena maamulano, waxana xukuumaddan ka Go’an innay qaranka usoo saarto Da’yar aad idinku u horraysaan oo haga hawada.”

Wasiirku waxa uu ka Hadlay hannaanka ay Deeqdaasi ku timi iyo doorka wasaaradiisu ku lahayd helitaankeeda, waxana uu xusay in wixii nolol ah ee waxbarashada kasoo hashay ay wasaaraddu ka masuul tahay muddada waxbarashadu socoto, waxana uu yidhi,

“deeqdaasi waxay kamid tahay deeqaha duniga ugu qaalisan, wasaaradda dhiggayaga ahi waxay na siinaysaa waxbarasho bilaash ah, Hoyga iyo Cuntadana waxa qaba Somaliland, gaar ahaan Wasaaraddan, Danayn aanu danaynayno, ayaanu ogolaanay inaanu qaadano Hannaankaas, waana deeq laakiin nolosha aad Addis Ababa ku joogaysaan Wasaaradda ka masuul ah.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in 15-Kaas xubnood ee Deeqdaas helay inay kusoo baxeen Imtixaan si siman loo qaaday, iyadoo la eegayo muhiimadda cilmiga uqoondaysani leedahay.

Ugu dambayntii waxa Dardaaran laxaad leh loo jeediyey Ardaydii Deeqdaas   u baxday, waxana loo sheegay inay masuuliyad muujiyaan, isla-markaana ka faa’iidaystaan Fursadda Waxbarasho ee la siiyey, waxana Halkaas lagu Guddoonsiiyey Shahaadooyinkii Muujinayey Luuqadii Ingiriisiga ee ay ka Barteen Jaamacadda Islaamic Online.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here