Taliyaha Xabsiga Mandheera Oo Walaac Ka Muujiyay Xanuunka Covid-19

0
926

Mandheera (Hargeisa Press):Taliyaha xabsiga magaaladda Mandheera ee gobolka Saaxil gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel, ayaa walaac ka muujiyay halista ka dhalan karta haddii ay maxaabiistu qaadaan xanuunka Corona virus.

Waxaanu sheegay in xabsiga Mandheer ay ku jiraan maxaabiis tiradoodu gaadhayso 400 oo maxbuus, iyadoo qiyaas ahaan qolkiiba ay ku jiraan 30 ilaa 40 maxbuus.

Iyadoo wixii ka horeeyay markii dalka lagu arkay xanuunka Covid-19 ay ku jireen in ka badan 600 oo maxbuus.

Taasoo halisteedda leh haddii mid ka mida maxaabiista uu qaado xanuunka Covid-19, isla markaana uu si fudud u wada gaadhsiin karro maxaabiista kale.

Si looga taxadero dhibaato ka dhalata maxaabiista oo qaadda caabuqa Corona waxay maamulka xabsigu qaadeen  tallaabooyin  fara badan oo lagaga gaashaamanayo in aanu xanuunku u soo gudbin maxaabiista.

Waxaanu tilmaamay taliyuhu in ay qaadeen tallaabooyinka ay kaga hor tegayeen in aanu xanuunkaasi ka dhex dilaacin maxaabiista.

Gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel, waxa kaloo uu sheegay in wixii maxaabiis cusub ah ee la keeno   in ay meel gaarra geeyaano, isla markaana  muddo 14 maalmood ah  caafimaadkoodda la hubiyo.

Xabsiga Mandheera oo  ah kan ugu weyn xabsiyadda dalka Somaliland, waxaa ku jiray taliyaha xabsigu sheegay in xiligii uu caabuqa Corona virus ka dilaacay dalka ay ku jireen maxaabiis gaadhaya ilaa 600 oo qof.Geesta kale taliyaha xabsiga Mandheera waxa uu sheegay in ay maxaabiista ka joojiyeen dadka eheladoodda ah ee soo booqanaya, si looga feejignaado in aanu qof xanuunka qabaa cunto ama wax kale u keenin maxbuus.

Taasoo haddii ay dhacdo sababi karta in si fudud ay maxaabiistu u wada qaadaan.

Dhinaca kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in wixii karaankooda ah ay ku dedaalaan in maxaabiistu ay helaan cuntooyin nafaqo leh, maadaama oo laga mamnuucay dadka ehelkoodda ah in u yimaadaan.

Daawo: Taliyaha Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here