Wasaaradda Caafimaadka Oo Baabuur Ambulance ah Ku Wareejisay Gobolka Daadmadheedh

0
332

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta baabuur kuwa gar gaarka deg deg ah ku wareejisay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Daadmadheedh.

Waxaana baabuurkaasi isku-duwaha ku wareejiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Gobolka Daadmadheedh ayaa baahi weyn u qabay helitaanka baabuurkan ambulance ka ah, isagoo ah gobol inta badan dhulkiisu uu yahay waddo la’aan ah, isla markaana ay aad u kala durugsan yihiin degmooyinkiisu.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaanu hadan gobolkaasi lahayn haba yaraatee wax gaadiid gar gaarka deg deg ah, marka laga reebo gaadhi yar oo aan meelaha waddooyinka rafka ah mari Karin.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeyee, oo hadal ka jeeidyay goobtii wareejinta baabuurkaasi.

Dr. Xergeeye, waxa uu tilmaamay in mar hore oo ay kormeer ku soo mareen gobolka Daadmadheedh in codsiga bulshadda gobolkaasi ee ugu badan uu ahaa  sidii ay u heli lahaayeen baabuur ambulance ah.

Geesta kale wasiirka caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi),  ayaa ku adkeeyay isku-duwaha caafimaadka ee gobolka Daadmadheedh in ay aad isaga xil saaraan ilaalinta baabuurkaasi oo ay ku baxday lacag badani.

Maadaama oo sababta lacagta aadka u badan loogu soo iibiyay baabuurkaasina ay tahay sidii  loogu adeegi lahaa bulshadda gobolka Daadmadheedh, isla markaana uu qayb weyn ka qaato gurmadka caafimaadka ee gobolku la kulmo.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here