Somaliland Oo Lagu Marti Qaaday Shir Caalamiya Oo Faransiiska Lagu Qabtay

0
467

Paris(HP): Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan, ayaa lagu marti qaaday Carwo Ganacsiyeedka ugu weyn qaaradda Yurub oo ka dhacday dalka Faransiiska.

Carwadan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhaqaalaha Faransiiska iyo Baanka Maalgashiga Dadweynaha (Bpifrance)   oo sannadkii todobaad la qabtay kana soo qeybgaleen shirkadaha ganacsiga ugu horeeya Yurub iyo Caalamka.

Warbaahinta, maalgashedayaasha gudaha iyo dibedda ayaa Madaxweynaha Faransiiska Md. Emmanuel Macron oo lagu soo casuumay kala qeybgalay dood dhexmartay afar ganacsade, kagana jawaabay su’aalo.

Kulanka ayay khudbado ka jeediyey dad sare u dhaafay boqol madax shirkado, xukuumado iyo ururada bulshada ayaa lagu soo casuumay dadka hawlaha ganacsiga dhowaan bilaabay.

Kuwa shirkadaha waaweyn, ardayda, cilmi-baadhayaal waaweyn oo caalamka ka kala yimi ayaa hadafkiisu ahaa horumarinta ganacsiga caalamka iyo is-barashada da’yarta berri.

Qoraal kooban oo xafiiska Somaliland ee Faransiiska u jooga Somaliland kaga hadlayCarwada iyo marti qaadkiisa waxa uu u dhignaa sidan, “Waxaan kugu martiqaadaynaa Mudane Safiir Cali inaad ka qeyb ahaato xidhitaanka carwada, uu goobjoog yahay Madaxweynaha Faransiiska, oo kala qeybgeli doona ganacsatada doodaha”.

“Kulanka oo shirkadaha waaweyn ee maalgashiga gudaha Yurub iyo Caalamku ka soo qeybgaleen ayaa fursad uu u helay Safiirka Md. Cali qaarkood waxuu kala hadlay una soo jeediyey kaalin ay ka qaataan maalgashi lagu sameeyo dekedda Berbera oo wakhtigan dib-u-casriyeyn iyo balaadhin ay ka wado shirkada DP World.

Taasoo kaalin weyn ka qaadan doonta koboca dhaqaalaha Somaliland iyo shaqo-abuurka dhalinyarada, waxaanay u balameen kulamo dambe oo dhexmara  madaxdii shirkadaha maalgelinta ay kulmeen.

Kulamada ganacsiga iyo shirarka waaweyn ee Xukuumada Faransiiska soo qabanqaabiso ama shirkadaha ganacsiga ayaa lagu soo martiqaada Safiirka Somaliland ee Faransiiska Cali Ismaacil Xasan, ayaa muujinaysa wada shaqeynta dhow ee Xafiiska Somaliland la wadaago xukuumada Faransiiska.

Gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda isla markaana ka turjumaysa heerka hano-qaadka dublamaasiyadda Somaliland ee Faransiiska” ayaa lagu yidhi qoraalka safiirka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here