UK Oo Maalgashi Balaadhan Ku Samaynayso Dalal Ku Yaalla Afrirka Oo Somaliland Ku Jirto

0
466

London (HP): Dawladda boqortooyadda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay maalgashi ku samaynayso dekado ku yaalla saddex wadan oo Afrikaan oo ay Somaliland ku jirto.

Wasiirka arrimaha debadda ee dawladda UK Iza Truss,  ayaa sheegtay in maalgashi ku samaynayaan saddex waddan oo ay ku jirto jamhuuriyadda Somaliland

Liz Truss, ayaa sheegtay in dawladdeedu ay maalgashi cusub ku samaynayso waddamada Senegal, Somaliland iyo Masar.

“Boqortooyada Midowday (UK) iyada oo adeegsanaysa CDS -ka ayaa diyaarinaysa maalgashiyo cusub oo lagu samaynayo dekeddaha ku yaal Senegal Masar iyo Somaliland oo dhexmara DP World” ayey ku tidhi qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Mrs. Liz Truss, oo hadalkeeda si wadata ayaa  tidhi “Waxaan la shaqeyneynaa xulafada iyo la -hawlgalayaasha si aan u maalgelinno kaabayaal nadiif ah oo la isku halleyn karo ee waddamada soo koraya.

Iskaashigan cusub ee CDC iyo DP World wuxuu kor u qaadi doonaa shaqooyinka wuxuuna horseedi doonaa kobaca dhaqaalaha dalalkan, isagoo gacan ka geysan doona hagaajinta malaayiin qof oo ku nool guud ahaan Afrika”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here