Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta kala saxeexday heshiis iskaashi.
Heshiiskan, ayaa ku salaysana hirgelinta dhismayaasha waxbaradda ee uu maalgelinayo Mashruuca Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana si gaar ah diiradda loo saaray tayeynta iyo ilaalinta halbeegyada dhismayaasha waxbarashada dalka.
Munaasabadda saxeexa heshiiska waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa xubnaha Mashruuca Fulinta (PIU) ee World Bank ee wasaradda waxbarashada kuwaas oo gacan ka geysan doona dhaqan-galka mashruuca iyo dabagalka tayada dhismayaasha.
Labada Wasiir, ayaa isku afgartay in ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo in dhismayaasha waxbarasho ee cusub ay waafaqaan halbeegyada caalamiga ah, loona helo xarumo waxbarasho oo casri ah, ammaan ah, kana tarjumaya baahida ardayda iyo bulshada.
Mashruucan, ayaa qeyb muhiim ah ka ah qorshaha dowladdu ugu jirto horumarinta adeegyada waxbarashada iyo kaabeyaasha muhiimka u ah kobcinta aqoonta iyo fursadaha Dhallinyarada Somaliland.