Xukuumadda Somaliland oo soo dhaweysay Muwaadin 11 sanno ku xidhnaa Jabuuti

0
1405

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Yoonis Axmed Yoonis, Wasiirka Duulista Hawada & Horumarinta Madaaradda ee Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cabdillaahi Bookh, iyo mas’uuliuiin kale, ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo mudo 11 sanno ah ku xidhnaa dalka Jabuuti, kaasoo ah muwaadin ka soo jeeda Somaliland.

Waxaa sidoo kale soo dhaweynta muwaadinkan ka qeyb qaatay, Maamulka Gobolka Gabiley, Duqa Degmada Gabiley, eheladiisa iyo haldoor kale oo tiro badan.

Muwaadinkan, ayaa waxaa ka soo ambobixiyey Caasimada Waddanka Jabuuti danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalkaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo masuuliyiin kale.

Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo garoonka diyaaradaha kula hadlay Warbaahinta, ayaa muujiyey inuu ku faraxsan yahay inuu xoriyadiisii dib u helay, muddo dheer oo uu xidhnaa kaddib.

Soo deynta muwaadinkan, ayaa waxa ay ku timi wadahadallo ay labada Dawladdood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jabuuti ka yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here