Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

0
1709
Covid-19
Covid-19

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa ay maanta shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in Dadka la baadhay ay tiradoodu dhamayd 78-qof waxaana cudurka laga helay sadex qof oo laba ka mid ahi ay ku suganyihiin gobolka Maroodi jeex halka qofka kalena uu ku suganyahay gobolka Saaxil, dadkan ayaa dhamaantood u dhashay Somaliland.

Dadkan ayaa dadoodu u dhaxaysaa 30-ilaa 39, waa laba qof halka qofka kalena ay dadiisu u dhaxayso 40-ilaa 49, afar iyo labaatankii saacadood ee u danbeeyay ma jirto cid cudurkan u dhimatay.

Tirada guud ee Soamliland laga baadhay cudurka Corona Virus ayaa ah afarkun shanboqol iyo koob iyo sagaashan (4591) qof, waxaana cudurka laga helay sideed boqol iyo sagaal iyo toban qof, halka tirada cudurka u dhimatayna ay dhantahay 29-qof, dadka Karantiilka ku jira ayaa ah sadex qof oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here