Warmutiyeedka ka soo baxay Wada xaajoodka Muddada labada cisho ah Jabuuti uga socday Madaxweyneyaasha Somalia,Somaliland iyo Jabuuti

0
963

Wada hadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ee ka socda Dalka Jabuuti ayaa laga soo saaray Qodobo ay isla garteen Labada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh iyo Ergooyinka wehelinayay,kuwaasi oo ah waxyaabo ay labada dhinac iska kaashanayaan.

warqda hesh

Qodobada ka soo baxay Wada hadalka oo Maanta furmay waxaa ka mid ah:-

1.       In la dardar galiyo wada hadalada labada dhinac, islamarkaana wakhti lagu jaangooyo

2.       Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arimaha siyaasadda ee Masiiriga ah Lagu dhiirado, lana fuliyo  waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ah in laga dhawrsanaado waxyaabaha wada hadalka carqaladayn kara

3.       Inaan la Siyaasaddayn deeqaha Bani’aadanimo iyo Mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiiri galiyo

4.       In la filiyo Heshiiskii Hawada(In labada dhinac wada jir u maamulaan hawadda)

5.       Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la isla garto inay wada hadalada ka qayb gali karaan Khubaro farsamo iyo Wadamada Saaxiibka ahi marka loo baahdo;

6.       In Ergada labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia madasha tan xigta ay ku kulmaan Dalka Turkiga 15-16-ka January sanadka 2015-ka.

Weftiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo  Xasan Sheekh ayaa qodobadani soo saaray, iyadoo shirarkii ka horeeyay ee Turkiga qodobada sidan oo kale uga soo baxay aanay waxba ka fulin, inta badana Somalia u muuqatay mid aan dhawrayn heshiisyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here