Wargeyska Washington Post oo Soo Bandhigay Xasuuq Ay Ciidamada Itoobiya Geysteen

0
521

Mekelle (Hargeisa Press) – Warbixin uu daabacay wargeyska caaanka ah ee Washington Post, ayaa muujinaysa in ciidamo Ethiopian ah oo ilaalinayey maxaabiis iyo dadka shicib ah oo ku sugan qaar ka mida magaalooyinka yaryar ee Ethiopia inay bishii November ee sannadkii hore inay laayeen illaa 83 maxbuus oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo lagu hayey xero ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Ethiopia.

Warbixinta, ayaa dhacdadan ku tilmaantay inay ahayd mid ka mida dilalkii ugu dhimashada badnaa ee loo geysto qaar ka mida maxaabiista ciidamada Tigrayga, tan iyo intii ay colaaduhu ka bilaabmeen dalkaas.

Wargeyska Washington Post, ayaa sheegay in dilalkan oo aan hore loo shaacin in la geystay bishii November 21-keedii ee sannadkii 2021, waxaana dilalkaasi ay ka dhaceen xero u dhow magaalada Mirab Abaya, halkaas oo lagu hayey in ka badan 2000 oo askari oo Tigray ah oo la soo xidhay.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa u sheegay wargeyska Washington Post, in 16 illaa 18 ka mid ah ilaalada xeradaasi inay rasaas ku fureen maxaabiista, gelinkii dambe ee maalintaas, taasoo keentay in qaar badani ay u cararaan dhinaca duurka ama kaymaha, waxaana eryaday ciidamada dalka Ethiopia.

Warbixinta la daabacay, ayaa intaas ku dartay, in ka dib markii ay carareen maxaabiistu muddo ku dhow saacad, inay is heleen qaar ka mida dadka deegaanka, iyaga oo ka baryay inay caawiyaan, hase ahaatee, halkii ay filayeen in la caawiyo, waxaa weerar ku soo qaaday koox hubaysan oo ka kooban illaa 150 qof, kuwaas oo watay baangado, ulo iyo dhagxaan, waxayna weerar ku qaadeen maxaabiistii soo baxsatay ee Tigreega ahayd.

Goobjoogayaasha, ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay in si khaldan loogu sheegay in maxaabiistan Tigreegu inay yihiin maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas.

Wargeyska Washington Post, ayaa sheegay in askarta la laayey, inaanu midkoodna ka qaybgelin dagaalada lagaga soo horjeeday ciidamada Ethiopia.

Weeraradan, ayaa dhacay xilli ciidamada Tigreegu ay ku sii siqayeen caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Maxaabiista sheekada lagu wareystay, ayaa ku qiyaasey in weerarrada ay ka dhasheen cabsi ama rabitaan aargoosi.

Meydadka 83-ka qof ee Tigrayga ah, ayaa lagu aasay xabaal wadareed ka baxsan xerada xabsiga, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

“Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” ayuu yidhi mid ka goobjoogayaashu.

Wargeyska, ayaa sheegay inay waraysteen in ka badan labaataneeyo qof oo ay ku jiraan qaar ka mida maxaabiista, shaqaale caafimaad, saraakiil ciidan iyo qaraabo ka soo jeeda deegaanka, ka hor intii aan warbixintan la daabicin maalintii Isniinta.

LEAVE A REPLY