Somaliland 50-Milyan oo Dollar Ka Heshay Mashruuc Bangiga Adduunku Amaahiyay Soomaaliya

0
2356

Hargeysa (Hargeisa Press) – Mashruuc ku kacaya 150 Million oo dollarka Mareykanka ah oo ah lacag dayn ah oo Bangiga Adduunku amaahiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Somaliland ka heshay Mashruucaas 50 Million oo Dollar.

Mashruucan oo ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdan Somaliland, ayaa qaybtii ay ka heshay Somaliland waxaa shalay magaalada Hargeysa ka daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, isagoona soo dhaweeyey mashruucan balaadhan.

Waxaanu sidoo kale mahad-naq u jeediyey Bangiga Adduunka iyo cid kasta oo taageerta mashaariicda muhiimka u ah dhismaha kaabeyaasha horrumarka Somaliland.

Mashruucan, ayuu tilmaamay inuu ka turjumayo mid ka mida tiirarka yoolalka horrumarka Somaliland, isagoo xusay in Somaliland guullo la taaban karo ku gaadhay isku-tashi iyo qorsheyaal leh hortebin iyo haggeyaal ku dhisan daah-furnaan.

Somaliland iyo Soomaaliya oo Heshiis La Saxeexday Bangiga Adduunka

Lacagtan ay Somaliland ka heshay Mashruucan, ayaa waxaa lagu maal gelinayaa Kaabayaasha Korontada ee Somaliland, si ay dadweynuhu u helaan laydh jaban.

Mashruucan, ayaa socon doona muddo 6 Sannadood ah, waxaana lagu horrumarin doonaa aaggaga kala duwan ee laga dhaliyo tamarta Korantada oo ay ka mid tahay Tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhanka kale, Mashruucan uu Bangiga Adduunku Amaahiyay Soomaaliya, ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay 26-kii Bishii October.

 Billowga Heshiiska Mashruucan

Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa 17-kii bishii November ee Sannadkii 2020-ka, Bangiga Adduunka la saxeexday Mashruucan kor loogu qaadayo Korontada, kaasi oo ku kacaya lacag dhan $150 Milyan oo Dollar.

Bangiga adduunka, ayaa sheegay inuu ka caawinayo Somaliland iyo Soomaaliya marshuucan kor loogu qaadayo Korontada, gaar ahaan ta la cusboonaysiin karo (renewable). Marshuucaas oo ay ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Marshuuca oo magaciisa la yidhaahdo Marshuuca Dib-u-soo cellinta Waaxda Korontada Soomaalida (Somali Electricity Sector Recovery Project) waxa la gallay Bangiga Adduuunka, Wasaaraddaha Maaliyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Waxaana fullinaya Wasaaradaha Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay Dhokumentiga Xogta Marshuuca oo uu daabacay Bangiga Aduunku, wuxuu si gaar ah marshuucu u bartilmaameedsan doonaa goobaha miyiga ah oo aan hadda si fiican laydhku u gaadhin.

Ujeedada marshuucu waa “inuu kor u qaado hellitaanka adeegyada korontada,” sida lagu sheegay Dhokumentiga Bangiga Adduunka. Waxa intaas lagu daray in lagu sallayn doono qorshyaasha horrumarineed ee kala gaarka ah ee ay kala leeyihiin Somaliland.

Magaalooyinka Somaliland ee la qorsheeyey in marshuucu ka fulo waa Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama, Waxa sidoo kale qayb ka mid ahi si gaar ah u bartilmaameedsanaysaa goobaha miyiga.

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in hay’addaha fullinta u xil-saaran ee Somaliland iyo Soomaaliya ay awoodoodu aad u liidato. Sidaas darteed, waxa ka mid ah marshuuca in awoodooda la dhiso oo loo qabto shirkad la talineed.

Sidoo kale, waxa aan caddayn sida marshuucu ula jaan qaadi karo xaqiiqda ah in magaalooyinka Somaliland badankooda ay laydhka maamulaan shirkado gaar loo leeyahay oo macaash doon ah.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here