Madaxweyne Biixi oo Caawa Hoygiisa Ku Booqday Axmed Siilaanyo

0
1840

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu caawa fiidkii Gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo.

Madaxweynaha, ayaa booqashada waxaa ku wehelinayay Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif.

Booqashada ka dib, ayaa kulan ay wada qaateen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, waxaa ay iskaga xogwaraysteen xaalada guud ee Somaliland.

Waxaanay sidoo kale ka wadahadleen khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee ku aadan arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY