Wargeys Ka Soo Baxa Paris Oo Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo Isku Shaandhayn Doono Golihiisa Wasiirada Bisha Ramadan ka dib

0
1042

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wargeyska Indian Occean ee ka soo baxa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa cadadkiisii maanta soo baxay ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo aanu diyaar u ahayn inuu baryahan xukunka ka dego oo uu sugayo inta bisha Ramadaan ka hadhay si uu isku shaandhayn ugu sameeyo Golihiisa Wasiirada isagoo dad ka mid ah muqarabiintiisa ku wargaliyey in aanu sinaba u aqbali doonin dawladd wadaag ah oo Kulmiye iyo Mucaaridku wada dhistaan.

Siday HargeisaPress.com ka soo xigatay, Indian Occean oo arintan ka xog-waramaya ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda uu qaadan kari la’ yahay in qaar ka mid ah wasiiradiisu ay la safteen mawqifkii Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici uu la saxeexdaysaddexda xisbiyada qaranka ee ahaa in doorashada laga soo hor-mariyo wakhtigii Golaha Guurtidu uu u qabatay oo ahaa April 2017 balse laga dhigo December 2016.

President_Silanyo

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in 28-kii May 2015 uu Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ku waramay in Golaha Guurtida uu u gudbiyey soojeedin ah inay la qaataan heshiiska ay isaga iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid wada-gaadheen in wakhtiga doorashada hore loo soo dhigo oo lagu beego bisha December 2016.

Waxaanu Wargeysku Mawqifkaas Muuse Biixi ku tilmaamay xeelad cusub oo uu ku mijo xaabinayo Madaxweyne Siilaanyo si ay ugu suurta gasho inuu kursigiisa dhaxlo.

Wargeysku waxa kale oo uu ka waramay wax ka duwan isku shaandhaynta uu maagan yahay Madaxweyne Siilaanyo bisha Ramadaan marka ay dhamaato, waxaanu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee Ethiopian-ku ay kala hadlayeen markii uu Addis Ababa booqashada ku tagay todobaadkii hore uu ahaa sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen khatarta ururka Al-shabab ee xagjirka ah.

 

 Halka ka eeg Warbixinta Indian Occean

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here