Warbixin: Dowladda Maraykanka iyo Taageerada Kor-u-kaca Dhaqaalaha Soomaalida + SAWIRRO

0
1400

“Horn Gardens waxay muddo dhawr sanno laga joogo ganacsiga ka bilowday hal guri oo cagaaran (Green House), iyadoo maanta noqotay hoggaamiyaha hab-beeritaan aqoon leh”

Hargeysa,(HargeisaPress) —Warbixin uu soo saaray xafiiska Diblamaasiyadeed ee Dowladda Maraykanku ku leedahay Soomaaliya 14-kii bishan February ee 2019, ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay sidii loo abuuri lahaa Berri maanta ka wanaagsan, iyadoo loo marayo kobcinta dhaqaalaha Soomaalida iyo shaqo-abuuris.

Dowladda Maraykanku waxay ballanqaaday in $70 milyan oo dhaqaale ah ay ku bixiso sidii loo xoojin lahaa mashaariicda ku aadan wax-soo-saarka iyo shaqo-abuurka.

Safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto ayaa bishan booqday shirkado Soomaaliyeed oo taageero ka hela Sanduuqa Maraykanka ee USAID, iyadoo la soo marinayo mashruuca GEEL (Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods). Intii uu booqashada ku jiray waxa uu yidhi Ambasadoruku; “Dowladda Maraykanku way ku faraxsan tahay inay dib ugu soo noqoto taageerada dadka Soomaalida ee dhanka wax-soo-saarka iyo shaqo-abuurka, anagoo arkanya inay diyaar u yihiin kor-u-qaadista ganacsiga.”

 

Waxa kaloo warsaxaafadeedkaasi intaas ku daray; “Ganacsiyada guusha gaadhay, taageeradana ka helay Sanduuqa Horumarinta Maraykanka ee USAID, waxa ka mid ah; HORN GARDENS oo tusaale u ah sida USAID ay wada shaqayn ula yeelan karto hormoodka ganacsiga Soomaalida ee leh hiigsasho dhab ah, si ay uga midho-dhaliyaan.

Horn Gardens waxay muddo dhawr sanno laga joogo ganacsiga ka bilowday hal guri oo cagaaran (Green House), iyadoo maanta noqotay hoggaamiyaha hab-beeritaan aqoon leh, waxaanay macaamiisha siisaa agab beereed tayo leh, sidoo kale waxay gacan siisaa beeralayda kale, si ay guulo u gaadhaan. Wakhtigan xaadirka ah waxay la shaqeeyaan 31 beerood oo ay bareen Guryo cagaaran oo cimilada dalka la jaan-qaadi kara iyo habka waraabka ee dhibic-dhibicda, si 80% loo yareeyo isticmaalka biyaha. Waxa kaloo xusid mudan in hababka loo maamulo beeraha casriga ah ay ka taageeraan 400 (afar boqol) oo beerood.

Waxa aannu fursado u abuuraynaa dumarka beeralayda ah iyo dadka hal-abuurka ganacsi ku jiro, anaga oo wada-shaqayn la yeelan doona MicoDahab. USAID waxa ay dumarka ganacsatada ah ka caawinaysaa inay ammaah qaataan, si ay u kabaan ganacsigooda beeraha.

 

Dumarka Soomaalida caqabado ayaa ka haysta qaadashada Deynka, si loo jabiyo caqabadahaas, GEEL waxay la shaqaysay Baananka iyo ganacsiyada dumarka, si loo helo xalal waara. Geel waxay taageertay mid ka mid ah haweenka ugu horeeya ganacsiga Soomaalida oo leh shirkadda Somfresh, waxaanay deyn ka heshay Dahabshiil Bank si ay u suuragaliso fulinta hawleheeda ganacsi ee Jumladda iyo tafaariiqda Khudradda, taasi oo wax ka tari karta kaydinta khudradda, iyadoo loo samaynayo bakhaar leh cimilo sugan (Cold Storage).

Waxa sidoo kale ka mid ah shirkadaha mashruuca GEEL ka helay taageerada; Habo Tunna Canning Factory oo si toos ah u shaqaalaysay 160 qof, kana iibsata kalluunka 2000 (laba kun) oo dabato (kalluumaysato ah). Tageerada USAID ayaa shirkaddan u suura-galiyay inay dib isku habayso adeegeena ay ballaadhiso sannadkii 2017.

Hay’adda USAID waxay wada shaqayn la leedahay qaar ka mid ah shirkadaha xoolaha nool ee ay ka mid yihiin; Irmaan Dairy, Beder iyo Sommilk, iyadoo kor loo qaadayo tayada iyo wax-soo-saarka caanaha,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here