Madaxweyne Muuse Biixi oo si balaadhan loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorama

0
957

Borama,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay booqasho shaqo ugu baxeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayey shacabka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hormood u yihiin salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, haweenka iyo maamulka gobolku, kaga hortageen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen xarunta khayriyada magaalada, halkaas oo bulshada looga jeediyey hadallo mahadnaq iyo bogaadin ah.

Maayarka Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Axmed Yaaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Awdal si isku mid ah ugu mahadnaqay, waxana ay ku bogaadiyeen inay ilaashadaan isku duubnidooda, horumarka gobolkana ka shaqeeyaan.

https://youtu.be/EycxeB1k5Oo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ballaadhan oo dhinacyo badan leh u jeediyey shacabka reer Boorama, ayaa ugu horrayn hadalkiisa diirrada ku saaray socdaalkiisii uu dhawaan kaga soo laabtay dalka Itoobiya iyo nuxurka waxyaabihii uu kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, isaga oo sharraxay qorshe wada-hadal midho dhal leh lagula geli karo Soomaaliya oo ay ra’iisal wasaaraha isla soo hadal qaadeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qodobbada aannu ka wada-hadalnay waxa kamid ahaa sidii loo heshiisiin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, waxana uu soo jeediyey wada in arrintaas lagu dhammeeyo wada-hadal oo Afrika ugu dhawee ay gasho iyo caalamkuba, waxana aannu ku nidhi tobankii sano ee ugu dambeeyey annaguun baa aynnu wada-hadalno walaalayaal la daba soconnaye hadday wada-hadal oggol yihiin saacad walba gartayadu way noo duuban tahay waxa naga maqan iyo waxa aanu tabanaynnona waannu ognahay, cidina nala soo talin maysa oo naloogu yeedhi maayo cid dantayada nooga xog-ogaalsan, haddii aannu Somaliland nahayna Koonfurta Soomaaliya lamid ma nihin.

LEAVE A REPLY