Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ka Xog-waramay Kulan uu la Yeeshay Xarunta Ruskin College Oxford+ SAWIRRO

0
1343

London,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo weftiga la socday ee safarka shaqo ku tegay dalka Ingiriiska, ayaa booqasho ku tegay xarunta Ruskin College Oxford oo ah xarun waxbarasho oo madaxbannaan, taasoo gacan-saar la leh Jaamacadda caanka ah ee Oxford ee dalka Ingiriiska.

Weftiga Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ay wehelinayso Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Ambassador Ayaan Maxamuud Cashuur, waxa booqashadooda xarunrtaasi la xidhiidhay sidii ay khibrad iyo xidhiidh labada dhinac dhexmara mustaqbalka ay ka wadahadleen, isla markaana lagala hadlo sidii ay Somaliland deeqo waxbarasho uga heli lahayd xaruntaas Ruskin College Oxford.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayuu ku faahfaahiyey booqashada ay ku tageen Xarunta Ruskin College Oxford iyo arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen intii kulankaasi booqashada ahaa socday, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan;

“Waxa aannu kulan la yeelanay maamulka Xarunta Ruskin College Oxford, halkaas oo aan kala hadlaynay xidhiidh aan kala yeelano kobcinta Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo deeqo waxbarasho, iyada oo aan ka soo helnay is-faham wanaagsan iyo bilowga maaraynta tallaabooyinka xiga. Tallaabooyinkan ayaa imanaya iyada oo aan xidhiidho badan u soo raadinayno Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, si ay dhawaan u helaan kobcin tayo leh iyo fursado waxbarasho oo dheeraad ah. Ambassador Ayaan Mahamoud mahad-naq gaar ah ayaan kuu hibaynayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here