Warbixin Daaha Ka Qaaday Sababta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Uga Muquurtay Aaskii Qaran Ee Loo Sameeyay Marxuum Taliye Casayr+ Ujeedada Xafladii Waddani Ee Burco.

0
843

Hargeysa, (HargeisaPress) —Laga soo bilaabo tan iyo maalintii  ay dableyda hubaysan dilkii foosha xumaa ku khaarajiyeen alle ha unxariistee Taliyihii qaybta booliska Gobolka Saaxil Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud, waxa guud ahaanba dadka kunool dalkani Somaliland gaar ahaana qoyskii uu ka baxay iyo dawladaba laga dareemayay sida ay uga xunyihiin dilkaasi foosha xun ee loo geystay alle naxariistii jano ha siiyee taliye casayr. Waxaana meelaha qaar dalka kamida ka dhacay banaabaxyo lagu cambaaraynayo dilkaasi, dadkuna ay ka dalbanayeen dawladu inay gacanta kusoo dhigto cidii gaystay Falkaasi Foosha xun.

 

Hadaba xisbiga mucaaradka ah ee waddani ayaa wajiyo badan iyo dareeno siyaasadeed oo kala gedisan ku qaabilay dilkii taliye casayr  intii ay socdeen hawlgaladii ay dawladu kusoo qabanaysay dadkii geystay falkaasi.

 

Masuuliyiin sar sare uu hogaamiye masuulka labaad ee ugu sareeya xisbiga mucaaradka ah ee waddani mudane: axmed Muumin Seed  ayaa 3/3/2016 ee sanadkan waxay ka qaybgaleen xafalad balaadhan oo ay taageerayaal kaga raadsanayaan dadka ku nool bariga burco oo dareenkoodu aad ukacsanaa waxaanay isla  maalitaasi kamid ahayd maalmihii lagu guda jiray hawlgalkii lagu soo qabanay dableydii dishay taliye casayr oo markaasi maydkiisu yaalay cisbitaalka wayn ee Magaalada Berbera.

 

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani isagoo ka faa,idaysanaya sida ay dadka ku nool beriga magaalada burco uga xunyihiin dilka taliye casayr, waxa uu ku qabtay hotel plaza ee magaalada burco xaflad balaadhan oo uu taageerayaal kaga raadsanayo, dadka uu markaasi dareenkoodu aad ka ukacsanaa, waxaanay taasi dad badan u arkayeen in siyaasada xisbiga mucaaradka waddani ay umuuqatay mid uu ku kala fogaynayo taageerayaasha tirada badan ee ku bahoobay xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye.

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xibiga mucaaradka ah ee waddani axmed muumin seed ayaa qalbi faraxsan. Iyo qosol xad dhaafa la soo galay hoolkii ay ka socotay xafladu, waxaana uu halkaasi gudoomiyuhu heeso iyo ciyaaro kula damaashaaday dadkii ka cadhaysnaa dilkii loo gaystay taliye casayr oo xiligaas maydkiisu yaalay cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, iyadoo markaasina xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye iyo dawladiisuna ku mashquulsanaayeen hawlgalo balaadhan oo ay ku soo qabanayeen dableydii falka xun geysatay.

 

Intaas oo kaliya maaha wajiyada kala duwan ee xibiga mucaaradka ah ee waddani ku qaabiley dilkii foosha xumaa ee loo gaystay taliyii qaybta booliska Gobolka Saaxil alle ha unaxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud,

 

balse gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani mudane Cabdiraxmaan cirro waxa uu ku dhaleeceeyay xukuumada Isgaadhsiintii ay ka jartay Gobolka Saaxil intii uu socday hawlgalkii lagu soo qabanayay dableydii dilka foosha xun ugaysatay (Alle Ha Unaxariistee) marxuum taliye casayr,

 

Ugu danbaytiina xisbiga mucaaradka ah ee waddani waxa uu gebi ahaanba ka maquurtay inuu kasoo qaybgalo aaskii qaran ee loo sameeyay marxuumka, iyadoo Masuuliyiinta Xisbigu tacsiyado badan oo afka baarkiisa ah kasoo diray dhamaanba gobolada Somaliland ayaa hadana la iswaydiinayaa sababta uu xisbiga mucaaradka ah ee waddani uga qaybgali waayay Aaskii qaran ee loo sameeyay alle ha unaxariistee gaashaanle casayr.

 

Wariye: Xabiib cigge xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here