Wararkii U Dambeeyey Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Boosaaso

0
884

Boosaaso (Hargeisa Press)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Baastoolado ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gaadhay goobta, iyagoona baadhitaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada iyo saraakiisha amniga oo la xadhiidha dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaalada Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal badan, kuwaas oo u badnaa dilal qorheysan.

Hargeisa Press Desk/Boosaaso Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here