Waraabeyaal Tiro Badan oo Lagu Sumeeyay Deegaanka Jufadda Ee Gabiley

0
539

Gabiley (Hargeisa Press)- Tiro gaadhaysa ilaa 20 Waraabeyaal ah, ayaa lagu sumeeyay deegaanka Jufadda oo ku yaalla dhinaca galbeed ee gobolka Gabiley.

Waraabeyaashan, ayaa la sheegay in ay sumeeyeen dadka deegaankaasi, kadib markii uu weerarro joogto ah ku soo qaaday xoolaha maalmihii u danbeeyay.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah bulshadda deegaanka Jufadda Uurka leh, in ka badan 20 Waraabeyaal ah ayaa ku bakhtiyay suntaasi.

Sababta ku kaliftay in ay sumeeyaan Waraabeyaasha, ayay bulshadda deegaanka Jufadu ku tilmaameen in Waraabuhu uu ka cunay xoolo fara badan, gaar ahaana Adhiga.

Isagoona Waraabuhu xoolaha soo weerarayay habeen iyo maalin ba, isla markaana uu si ba’an oo aanay hore u arag uu xoolaha uga cunayo. Sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay sumeeyaan Waraabaha, maadaama oo uu dhibaato joogto ah u hayo xoolihii.

Geesta kale, deegaanka Jufadda buuraley ah, ayaa lagu tilmaamaa inuu ku nool yahay Waraabeyaal aad u fara badan, kaasoo caan ku ah deegaankaasi, Hase yeeshee, waxay noqonaysaa markii u horaysay ee uu Warraabuhu sidan oo kale xoolaha uga cunno dadka deegaankaasi.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Jufadda, oo qaar ka mida ay nooga warameen dhacdadaasi, Dhaqaalaha lagu soo iibiyay Sunta ay dadka deegqqnka Jufadda u addeegsadeen Waraabeyaasha ayay iyagu iska ururiyeen, si ay wax uga qabtaan dhibaatadan uu xoolahoodii kula kacay Waraabuhu.

Waxa kaloo qy bulshadda deegaankaasi noo xaqiijiyeen bakhtiga Waraabeyaashu uu daadsan yahay agagaarka buurta Jifadda loo yaqaan (Jifo Uuray) iyo xataa duleedyadda reeraha.

Dhinaca kale, ma jirro wax war ah oo ay wasaarradaha iyo hay’addaha dawladda Somaliland ee arrimahan ku shaqada leh ka soo saareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here