HRC oo Si Kulul U Cambaareysay Xadhiga-Xubin Ka Tirsan Ururka Kaah

0
1390

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Maxada-bannaan ee Somaliland, ayaa waxaa ay si kulul u cambaareysay xadhig ay Ciidanka Boolisku kula kaceen Axmed Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah masuul ka tirsan urur siyaasadeedka Kaah.

Bayaan ay soo saartay Xaruntu, ayaa waxaa ay ku sheegtay in masuulkan la xidhay 24 November kadib markii uu bogiisa Facebook soo dhigay, qoraal uu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ku lug leeyahay ka ganacsi qaad.

Waxaa ay sheegtay Xarunta Xaquuqal Insaanku in masuulkan ka tirsan Urur Siyaasadeedka Kaah aan xadhigiisa loo marin sharciga.

Xaruntu, waxa ay sheegtay in Masuulkan la sii daayay 27-kii November, kadib markii inta maxkamada la hor keenay uu Booliisku wax dambi ah ku waayay, lakiin dib loo soo xidhay 28-kii November, isla markaana hada uu ku jiro saldhig Boolis, iyadoo maanta maxkamada la horgeeyay.

Waxaa ay Xaruntu ku eedaysay Ciidanka Booliska in ay jidh dil u gaysteen markii ay qabanayeen Masuulkan, taasi oo ay xaruntu sheegtay in ay walaac ku abuurtay.

Hoos ka akhriso bayaanka xarunta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here