Wado Isku Xidhaysa Gabiley iyo Deegaanka Caadda oo La Dhagax Dhigay

0
718

Gabiley (Hargeisa Press)- Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay Jid Cadde, isku xidhaya magaaladda Gabiley, iyo degaanka Caadda oo ka tirsan isla gobolka Gabiley.

Jidkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 33KM, waxaa kharashka maalgelintiisa bixinaya baanka horumarinta Afrika, iyo urur goboleedka IGAD.

Waxaana dhaqaalaha mashruucaasi la soo dhex mariyay haayadda caalamiga ah ee Save the Children.
Mashruucani ayaa inta uu dhismahiisu socdo waxa uu maamulka gobolka Gabiley kala xisaabtamayaa kor joogtayntiisa Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka.

Munaasibadii dhagax dhiga jidkaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirrada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Maareeyaha Wakalaadda Horumarinta Wadooyinka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka, Taliyaha ciidanka Asluubta, saraakiil ka socday haayada Save the Children, badhasaanka gobolka Gabiley, Maayerka degmada Gabilay.

Sidoo kale, waxaa xafladaasi ka qayb galay xubno ka tirsan xildhibamada golaha deganka Gabiley, madax dhaqameedka, iyo waxgaradka bulshadda ka faa’iidaysanaysa wadadan iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay dhagax dhiga jidkaasi ayaa ka waramay faa’iidadda ay waddooyinku u leeyihiin bulshadda, iyo sida ay uga qayb qaataan horumarka dhaqaalaha.

DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Gabiley ee Dhagax dhiga Jid Cadahaasi:

 

LEAVE A REPLY